RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Guddigan farsamo ayaa loo xilsaaray inay hormuud ka noqdaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, midnimada bulshada, iyo xal u helidda khilaafaadka ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Waxaa sidoo kale la faray inay diyaariyaan qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu hirgelinayo wada-hadal miro-dhal ah oo dhexmara dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo gaaro heshiisyo waara oo sal u noqda xasillooni siyaasadeed iyo bulsho.











