Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo xoojinaysa dadaalada gurmadka fatahaadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo xoojinaysa dadaalada gurmadka fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey midaynta hawlaha gargaarka ee loogu gurmanayo degmooyinka iyo deegaannada ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka lixaadka leh ee ka dhashay roobka Dayrta.

Kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta hay’adda iyo guddi matalaya bulshada gobolka Gedo oo fatahaaddu saamaysay, ayna hormuud ka yihiin Wasiirro heer Federaal ah, kuwa heer dawlad goboleed ah, siyaasiyiiin iyo samafayaal ka tirsan Hey’adda Alraxma.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026

Xubno ka tirsan guddiga bulshada gobolka Gedo ee isku xilqaamey wax ka qabashada fatahaadaha gobolkaas ku dhuftey ayaa sheegey in ay diyaariyeen illaa iyo hadda 7-doomood oo taalla Muqdisho iyo gurmad kale, ayna gacan uga rabaan dawladda sidii halkaas lagu gaarsiin lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa guddiga gobolka Gedo uga mahadceliyey dadaalkooda, wuxuuna soo dhoweeyey wada shaqayn dhow iyo isku xirnaan dhexmarta dadaalada bulshadu ay waddo iyo kuwa dawladda federaalka ah ay hormuudka u tahay taasoo wadajirkeeda ay ku badbaadi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka malyanka kor u dhaafay ee ku barakacey fatahaadaha.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tegay Dalka Burundi

Next Post

Hay’adda SoDMA oo shaacisay in qasaaraha dhimashada fatahaaduhu ay korortay

Next Post
Hay’adda SoDMA oo shaacisay in qasaaraha dhimashada fatahaaduhu ay korortay

Hay’adda SoDMA oo shaacisay in qasaaraha dhimashada fatahaaduhu ay korortay

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In