Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa ka mahadcelisay dadaallada dib u heshiisiineed ee Ra’iisul wasaaraha XFS uu ka wado deegaannada maamulka Galmudug.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha XFS mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo kaashanaayo bulshada reer Galmudug uu waqti ku baxshay sidii loo heli lahaa Galmudug mid ah, isagoo sheegay in muddo bil ku dhaw ay ku suganyihiin deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay in hadda ay muuqato Ifilaallo nabadeed oo loogu diyaar garoobayo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay,waxa uuna tilmaamay in rajo wanaagsan ay ka muuqato qaabka ay bulshadu diyaar ugu tahay dib u heshiisiin iyo iscafin si shacabku ay u helaan maamul ka shaqeeya danaha reer Galmudug.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA