Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta tababar socdey mudo 10-casho ah usoo xirtay in ku dhow 30-dhalinyaro ah oo la isaga keenay Degmooyinka Galmudug, kuwaa oo loo tababaray ka shaqeynta nabada, isku xirka bulshada iyo xalinta khilaafaadka kajira deegaanada Galmudug.
Qabsoomida tababarkan oo ay Iska kaa-shadeen Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug iyo safaradda Ingiriiska ayaa mudadii uu socdey lagu dul istaagey muhiimada nabadgalyada iyo doorka la doonayo in Dhalinyaradu ka qaadato sidii la isugu xiri lahaa Degmooyinka Galmudug, loona sahli lahaa is dhex-gal bulsho, iyadoo laga faa’iideysanayo aqoonta Dhalinyaradan la siiyey tababarkan.
Madaxda Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug ayaa gunaanadka munaasabadan shahaadooyin guddoonsiiyey ka qayb galayaasha tababarka Nabada kuwaa oo dib ugu noqonaya Degmooyinkooda si ay uga qayb qaataan dadaalada nabadeynta.