Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Awqaafta iyo culimada oo ka hadlay gudniinka gabdhaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kudhawaad shan boqol oo qof lagu soo qabtay howl-gal laga sameeyay Xamarweyne-DHAGAYSO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo socday muddo labo cisho ah, loogana hadlayay waxa ay shareecada Islaamku ka qabto gudniinka, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Awqaafta iyo Diinta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta, agaasime waaxyeedyada Wasaaradda, Culimaa’idiin ka kala socday qaar ka mid ah gobollada dalka, ardayda barata kuliyadaha shareecada ee qaar ka mid ah Jaamacada Muqdisho, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa laga soo saaray talooyin ay culimada soo jeediyeen oo ah in gudniinku ay tahay mid waajib ah, bulshada ay raacdo sida ay shareecada Islaamku farayso in gabdhaha loo gudo, lana siiyo wacyigelin guud, iyagoo ku baaqay in Wasaaradaha Diinta, haweenka iyo caafimaadka ay iska kaashadaan sidii tababar xag cilmi iyo mid caafimaadba loo siin lahaa dadka sameynaya gudniinka, si aan loogu xadgudbin xuquuqda gabdhaha arrimahaasi lagu sameynayo.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Sheekh Cumar Maxamuud Xerow Wardheere oo ka mid ah culimada ka qeyb gashay kulanka ayaa saxaafadda u akhriyay qodobada ay culimada isku raaceen.

 

1-Β Β Β Β Β Β Β Β  Gudniinku waa mid Shareecada Islaamka ku leh sal sharciya oo ah waajib.

2-Β Β Β Β Β Β Β Β  Bulshadu waa in ay u raacdaa sida Mad-habkeena Shaaficiga ah u faah faahinayo Gudniinka Gabdhaha oo ah in qeybta sare laga jaro dhoorka .

3-Β Β Β Β Β Β Β Β  Go’aanada Sharciyeed ee Gudniinka waa in looga dambeeyo Culimada Soomaaliyeed maadaama ay arrintaasi tahay Mas’ala Diini ah.

4-Β Β Β Β Β Β Β Β  Gudniinka Fircooniga ah oo gabdhaha jirkooda la jarjarayo waxaan uragnaa:

  1. a) In Shareecada Islaamku aysan ogoleyn ayna waajib tahay in la joojiyo.
  2. b) In ow yahay xadgudub loo geysanayo qeybo ka mid ah jirka carruurteena.
  3. c) In ow yahay Dhaqan gurracan oo ku saleysan naxariis la’aan.

Baaqa kulanka.

Kulanku marki ow garwaaqsadayΒ  jahawareerka ka taagan Gudniinka Gabdhaha wuxuu ku baaqayaa sida soo socota:

1-Β Β Β Β Β Β Β Β  In WasaaradahaΒ  kala ah Awqaafta iyo Arr. Diinta iyo tan Caafimaadka ay siiyaanΒ  tababar CaafimaadΒ  iyo mid DiimeedΒ  dadka ku Shaqeysta xirfadda Gudniinka.

2-Β Β Β Β Β Β Β Β  In aan loo ogolaan qof aan ruqsadΒ  Xirfadda Gudniinka haysanΒ  in uu wax gudo

3-Β Β Β Β Β Β Β Β  In mowduuc ka hadlaya Gudniinka lagu daro Manaahijta waxbarashada DalkaΒ  Marxaladaheeda kala duwan.

4-Β Β Β Β Β Β Β Β  In Culamaa’udiinku Bulshada uga faahfaahiyaan aragtida Sharceeda Islaamka ee Gudniinka dhanka qalabka warbaahinta iyo kulamada Bulshada.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan Nuux oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in marka laga hadlayo arrimaha gudniinka ay tahay mid culimada looga fadhiyo, isla markaana la qaato talooyinka ay soo jeediyeen.

β€œMowduuca aad ka hadasheen wax auu ahaa mid aad u mihiim ah, waana mid meelo kale oo lala aaday, laakiin dadkii ku haboonaa ee ehelka ahaa in aad idinka tihiin, sida aad ugu haboona idinka ayaaba hadda ka hadlay, runtii waxaad ogtihiin in Soomaaliya ay tahay Wadan Islaam ah, sheey kasta oo la rabo in wax laga gaaro culimada ayaa aas aas ah, in haddii culimada la hareer marana ay dhibaato ka dhalan karto” ayuu yiri Wasiirka Dhalinyarada.

Wasiirka Awqaafta iyo diinta ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi ayaa xusay in Wasaaradda ay xoojineyso baaqa culimada iyo qodobada ay ka soo saareen shirka looga hadlay gudniinka iyo sida looga hortagi karo gudniinka fircooniga ah, isagoo intaa ku daray in tallaabo sharci ah la qaadi doono qofkii ku xadgudba gabdhaha.

β€œQofkii ku xadgudba ee lagu soo ogaado Β ay xaq u leedahay dowladda iyo xeer ilaalinta inay dabagasho oo la soo qabto, maadaama ay tahay jariimo, maadaama uu gudniinku u dhexeeyo dhaqankii foosha xumaa iyo Sunida, sidaas awgeed in qofkasta uusan qaban Karin gudniinka, qofka qaban karana uu noqdo qof taqasus leh, oo heysta ruqsad uu arrimahaasi ku fulin karo, warkaas uu culimada ka soo baxay waa war aad u weyn” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta.

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In