Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay wargelin rasmi ah oo lagu amray dhammaan imaamyada iyo khadiibyada masaajidda dalka, in khudbada Jimcaha ee maalinta berri ah oo ku beegan 02/01/2026, lagu wajaho mowduuc muhiim ah oo ah “Ahmiyadda Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed” iyo “Khatarta Faragelinta YH-da”.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in mowduucaasi yahay mid muhiimad weyn u leh xilligan la joogo, iyadoo la tixraacayo xaaladaha caalamka ka taagan iyo isku day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

Related posts

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026
Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

January 24, 2026

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan mas’uuliyiinta masaajidda in ay si buuxda u gutaan waajibkooda diiniga ah, ugana faa’iideeyaan khudbada Jimcaha wacyigelin qaran oo ku saabsan ilaalinta midnimada dalka.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii uga mahadcelisay dhammaan culimada dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan baraarujinta bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa...

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah dhagax-dhigay dhismaha...

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In