Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha oo soo bandhigtay Siyaasadda Isticmaalka Dhul Beereedka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha oo soo bandhigtay Siyaasadda Isticmaalka Dhul Beereedka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo bandhigayey Siyaasadda Isticmaalka Dhul-Beereedka

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha, Xubno ka kala socday Maamul Goboleedyada , Rugta Ganacsiga, Iskaashatooyinka Beeraha iyo qubaro ku xeel dheer dhanka Beeraha ayaa ka qeybgalay kulankan oo u jeedkiisu ahaa Latashiga Koowaad ee Siyaasadda Isticmaalka Dhul-Beereedka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Agaasimaha Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamuud Yaasiin Cartan ayaa sheegay in siyaasadan ay muhiim u tahay dalka, islamarkaana ay ka qeyb galaayashu ka aragti dhiiban doonaan muhiimadda ay leedahay helidda siyaada cad oo loo dhanyahay taas oo fure u noqon doonta in si wngsn loo isticmaalo dhul-beereedka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay In Siyaasadda Isticmaalka Dhul-Beereedka ay door weyn ka qaadan doonto soo afjaridda muranka ka dhasha dhul-beereedyada.

Qaar ka mida qubarada ka qeyb galay kulanka ayaa dhankooda si qoto dheer u sharaxay muhiimadda ay Dalka u leedahay Siyaasadda Isticmaalka Dhul-Beereedka, waxayna bogaadiyeen qubarada Diyaarisay Siyaasadda oo ay Xuseen inay ku bixiyeen dadaal badan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaliya Nuur Yuusuf Nuur oo kulanka soo xiray ayaa xusay in Siyaasadan ay qeyb ka tahay dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto horumarinta Beeraleyda iyo kobcinta wax soo saarka Dalka.

Marka lasoo gabgabeeyo Latashiga Koowaad ee Siyaasadda Isticmaalka Dhul-Beereedka ayey xubno ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya kulamo kale oo la-tashiya u aadi doonaan Maamul Goboleedyada oo iyana fikradahooda ku darsan doona si ay siyaasadu u noqoto mid dhameystiran oo loo dhanyahay.

Previous Post

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha golaha fulinta Midowga Afrika

Next Post

Haweenka Dhuusamareeb oo ku baaqay joojinta colaadda ka taagan Balanbale

Next Post
Haweenka Dhuusamareeb oo ku baaqay joojinta colaadda ka taagan Balanbale

Haweenka Dhuusamareeb oo ku baaqay joojinta colaadda ka taagan Balanbale

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In