Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO iyo Midowga Yurub oo daah furtay mashruuc lagu horumarinayo beeraha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO iyo Midowga Yurub oo daah furtay mashruuc lagu horumarinayo beeraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Beeraha Soomaliya oo kaashaneysa FAO iyo Midowga Yurub ayaa maanta daah furtay mashruuc  lagu horumarinayo Beeraha iyo Waraabka Dalka.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ka doodida iyo soo bandhigidda macluumaadkii laga soo uruuriyey mashruuca koowaad ee horumarinta beeraha iyo waraabka oo laga fuliyey Dowlad Goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed  iyo qorshe u dejinta qaabkii loo fulin lahaa mashruuc labaad oo xambaarsan horumarinta dalagyada beeraha iyo dayactirka kaabayaasha beeraha ee Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayuu ku saabsanaa shirkan oo ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, Wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya, madax ka socotay Midowga Yurub iyo qubaro ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO ayaa intii uu socday waxaa  sidoo kale lagu soo bandhigay qaabka ugu haboon ee loo kobcin karo wax soo saarka dalka, loogana hortegi karo abaaraha, waxaana mashruucan maalgelinaya Midowga Yurub iyo hay’adda SIDA oo fadhigeedu yahay dalka Sweden.

Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo gaba-gabada kulanka kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In mashruucan uu ka koobnaan doono saddex qeybood oo kala ah Horumarinta dalagyada Beeraha, dayactirka kanaalada biyaha ee Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyo kobcinta wax soo saarka dalka si loo gaaro isku filnaansho dhameystiran.

Ugu dambeyn  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Xaamud Cali Xasan iyo wakiilka FAO ee Soomaaliya Serge Tissot ayaa kala saxiixday heshiis quseeya mashruuca horumarineed ee laga fulin doono dowlad Goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Previous Post

Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub “SAWIRRO”

Next Post

DHageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

DHageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In