Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO iyo Midowga Yurub oo daah furtay mashruuc lagu horumarinayo beeraha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO iyo Midowga Yurub oo daah furtay mashruuc lagu horumarinayo beeraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Beeraha Soomaliya oo kaashaneysa FAO iyo Midowga Yurub ayaa maanta daah furtay mashruuc  lagu horumarinayo Beeraha iyo Waraabka Dalka.

 

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Ka doodida iyo soo bandhigidda macluumaadkii laga soo uruuriyey mashruuca koowaad ee horumarinta beeraha iyo waraabka oo laga fuliyey Dowlad Goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed  iyo qorshe u dejinta qaabkii loo fulin lahaa mashruuc labaad oo xambaarsan horumarinta dalagyada beeraha iyo dayactirka kaabayaasha beeraha ee Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayuu ku saabsanaa shirkan oo ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, Wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya, madax ka socotay Midowga Yurub iyo qubaro ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO ayaa intii uu socday waxaa  sidoo kale lagu soo bandhigay qaabka ugu haboon ee loo kobcin karo wax soo saarka dalka, loogana hortegi karo abaaraha, waxaana mashruucan maalgelinaya Midowga Yurub iyo hay’adda SIDA oo fadhigeedu yahay dalka Sweden.

Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo gaba-gabada kulanka kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In mashruucan uu ka koobnaan doono saddex qeybood oo kala ah Horumarinta dalagyada Beeraha, dayactirka kanaalada biyaha ee Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyo kobcinta wax soo saarka dalka si loo gaaro isku filnaansho dhameystiran.

Ugu dambeyn  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Xaamud Cali Xasan iyo wakiilka FAO ee Soomaaliya Serge Tissot ayaa kala saxiixday heshiis quseeya mashruuca horumarineed ee laga fulin doono dowlad Goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Previous Post

Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub “SAWIRRO”

Next Post

DHageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

DHageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In