Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Biyaha XFS oo ka digtay roobyarida xiliga Deerta

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Biyaha XFS oo ka digtay roobyarida xiliga Deerta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyeraadka Biyaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo si dhow ula socota Maraxaladaha adeegyada Saadaasha iyo Kormeerka biyaha (Hydrometeorological Monitoring Services) ee dalka, waxay Wasaaraddu shaacinaysaa in saadaasha xilli-roobaadka dayrta ee nagu soo fool leh ay muujinayso in roobka dayrtu uu aad uga hooseeyo sida caadiga ah (below normal) guud ahaan dalka, marka laga reebo qaybo yar oo kamid ah gobollada waqooyi oo iyagu heli doona roobab wanaagsan haduu Alle Idmo. Sidoo kale, waxaa suuragal ah in roobka dayrtu uu ka soo daahi karo Gobolada Koonfurta Iyo Bartamaha Dalka (Late Onset).

Roob yarida la filayo awgeed, heerkulka ayaa suuragal ah in uu aad uga sare maro oo uu gaaro ilaa 40oc, kaasoo sababi kara uumi-bax farabadan oo ku yimaadda roobka yar ee la filayo. Socodka qul-qulka biyaha ee wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa la filayaa inay si wayn hoos ugu dhacaan. Sidoo kale, Waxaa suuragal ah in Wabiga Jubba uu gaaro meel aad u hoosaysa, deeganada qaarna ay qallalaan ama ay ku dhacdo abaar-biyood darani (Hydro-drought). Afar xilli roobaad oo is xig-xiga oo aan sidi larabay u di’in, meelaha qaarna aynaan wax roob ah helin, ayaa suuragal ah in uu hoos u dhac weyni ku yimaado cabbirka joogga biyaha dhulka hoostiisa sida ceelasha, oo ku xiran roobka.

Waxaa kaloo jira in Deegaanno badan ay qiimaha biyuhu uu sare kac ku yimid, taasoo sii laba-jibbaari karta qiimaha biyaha haddii roobka dayrta yaraado.

Hadaba Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha oo ka falcelinaysa saadaasha xilli roobaadka Dayrta ayaa walaac ka muujinaysa saadaasha taban ee ku aaddan roobka Dayrta oo siwayn loogu baahi qabay, wax wayna ka tari lahayd abaarta daran ee hadda dalka ka jirta. Wasaaradda ayaa ku baaqaysa inay lagama maarmaan tahay in Wasaaradaha Biyaha heer Fedraal, Maamul Gobaleed iyo bah-wadaagtoodu ay xoojiyaan isku xirnaanta iyo wadashaqaynta, una diyaar garoobaan ka jawaabidda biyo-yarida iyo u gargaaridda dadka iyo duunyada.

Previous Post

Madaxweyne Deni oo Guddoomiyay shirka golaha Wasiirada

Next Post

Wasiirka Ganacsiga iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Next Post
Wasiirka Ganacsiga iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga iyo Mas'uuliyiin Kale Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In