Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo dalbatay in degdeg loo joojiyo burburinta xarumaha isgaarsiinta Soomaaliyeed

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo dalbatay in degdeg loo joojiyo burburinta xarumaha isgaarsiinta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya.

Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Related posts

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore u gudbisay Wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo wajahaya falalka argagixisada.

“Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan.

DHAMMAAD

………………………

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada

Previous Post

Loolanka Al-shabaab iyo Daacish muxuu ku salaysan-yahay?!

Next Post

Tartamayaasha Degmooyinka Kismaayo, Warta-Nabada iyo Shibis oo la abaal mariyay

Next Post
Tartamayaasha Degmooyinka Kismaayo, Warta-Nabada iyo Shibis oo la abaal mariyay

Tartamayaasha Degmooyinka Kismaayo, Warta-Nabada iyo Shibis oo la abaal mariyay

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula...

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In