Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Isgaarsiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 24 Febraayo 2018 — Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay sida ugu habboon ee loo hirgelin karo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo la ansixiyay sanadkii hore.

Waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha dhismaha Hay’adda oo ay ku hawlan yihiin khubaro Soomaali ah, oo farsama ahaan kala talin doona Hay’adda hannaanka dhismaha koowaad.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Maamulaha Machadka Heritage, Mudane C/rashiid Khaliif, oo hay’addiisu oo ay shaqo-wadaag yihiin shirkadda caalamiga ah ee Kalba, ay Wasaaradda kala talineyso dhismaha Hay’adda ayaa sheegay in isgaarsiinta Soomaaliya ay maanta haysato fursad qaali ah, sida madax dhinaca Wasaaradda iyo dhinaca Hay’adda oo aqoon iyo karti leh, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha iyo bahda isgaarsiinta oo u heellan inay la shaqeeyaan.

Maareeyaha cusub ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada, iyo gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashuur iyo ku-xigeennadiisa kalsoonida ballaaran iyo xilka culus ee ay ku aamineen, wuxuuna ballan qaaday in uu si ammaano leh uga soo bixi doono masuuliyaddaas loo xil saaray.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha Shirka in Wasaaradda ay dhaqan u tahay inay mar kastaba la tashato bahda isgaarsiinta sidii loo nidaamin iyo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya si wanaagsanna loogu daryeeli lahaa danta macaamiisha iyo dalkaba.

Sidoo kale wasiirku wuxuu warbixin ka bixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay ansixinta sharciga, isagoo xusay in hawlaha hadda yaalla ee la xiriira dhismaha Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka inaysan ka culeys yaraan doonin hawshii lagu guuleystay ee ansixinta sharciga.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa soo dhoweeyay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo dhowaan uu Golaha Wasiirradu ansixiyay inuu noqdo maareeyihii ugu horreeyay ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, isagoo uga mahad celiyay madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada kalsoonida ay ku aamineen maareeyaha cusub, wuxuuna ballan qaaday in Wasaaraddu la shaqeyn doonto maamulka cusub ee loo soo dhisi doona Hay’adda.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Wariye Axmed Xasan Colaad

Next Post

IMF Executive Board Concludes 2017 Article IV Consultation with Somalia,

Next Post
IMF Executive Board Concludes 2017 Article IV Consultation with Somalia,

IMF Executive Board Concludes 2017 Article IV Consultation with Somalia,

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In