Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Isgaarsiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 24 Febraayo 2018 — Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay sida ugu habboon ee loo hirgelin karo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo la ansixiyay sanadkii hore.

Waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha dhismaha Hay’adda oo ay ku hawlan yihiin khubaro Soomaali ah, oo farsama ahaan kala talin doona Hay’adda hannaanka dhismaha koowaad.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Maamulaha Machadka Heritage, Mudane C/rashiid Khaliif, oo hay’addiisu oo ay shaqo-wadaag yihiin shirkadda caalamiga ah ee Kalba, ay Wasaaradda kala talineyso dhismaha Hay’adda ayaa sheegay in isgaarsiinta Soomaaliya ay maanta haysato fursad qaali ah, sida madax dhinaca Wasaaradda iyo dhinaca Hay’adda oo aqoon iyo karti leh, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha iyo bahda isgaarsiinta oo u heellan inay la shaqeeyaan.

Maareeyaha cusub ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada, iyo gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashuur iyo ku-xigeennadiisa kalsoonida ballaaran iyo xilka culus ee ay ku aamineen, wuxuuna ballan qaaday in uu si ammaano leh uga soo bixi doono masuuliyaddaas loo xil saaray.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha Shirka in Wasaaradda ay dhaqan u tahay inay mar kastaba la tashato bahda isgaarsiinta sidii loo nidaamin iyo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya si wanaagsanna loogu daryeeli lahaa danta macaamiisha iyo dalkaba.

Sidoo kale wasiirku wuxuu warbixin ka bixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay ansixinta sharciga, isagoo xusay in hawlaha hadda yaalla ee la xiriira dhismaha Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka inaysan ka culeys yaraan doonin hawshii lagu guuleystay ee ansixinta sharciga.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa soo dhoweeyay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo dhowaan uu Golaha Wasiirradu ansixiyay inuu noqdo maareeyihii ugu horreeyay ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, isagoo uga mahad celiyay madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada kalsoonida ay ku aamineen maareeyaha cusub, wuxuuna ballan qaaday in Wasaaraddu la shaqeyn doonto maamulka cusub ee loo soo dhisi doona Hay’adda.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Wariye Axmed Xasan Colaad

Next Post

IMF Executive Board Concludes 2017 Article IV Consultation with Somalia,

Next Post
IMF Executive Board Concludes 2017 Article IV Consultation with Somalia,

IMF Executive Board Concludes 2017 Article IV Consultation with Somalia,

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In