Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo dib ula wareegtay Xaruntii dhexe ee telefonnada, una asteysay adeegyo muhiim ah+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo dib ula wareegtay Xaruntii dhexe ee telefonnada, una asteysay adeegyo muhiim ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah ee dalka ee ku taallay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo uu wehliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qeyb ka tahay qorshaha 2019 ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu.

Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda.

“Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena” ayuu yiri wasiirka.

Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm.

Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta, iyo teknlojiyada.

Previous Post

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In