Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo ku ammaantay Shirkadda Hormuud ku-guuleysiga shahaado caalamiga ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo ku ammaantay Shirkadda Hormuud ku-guuleysiga shahaado caalamiga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku ammaantay maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud inay ku guuleysatay shahaadada maamul-wanaagga ee loo yaqaano ISO 9001-2015.

Shahaadadan oo lagu siiyay shirkadda Hormuud bixinta adeegyada isgaarsiinta ee dhinaca codka iyo internet-ka waxay muujineysaa dadaalka ay shirkaddu ku bixisay sidii ay hawlaheeda u waafajin lahayd halbeegyada caalamiga ah ee lagu qiimeeyo adeegyada noocan oo kale ah.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo soo dhoweeyay guusha Hormuud, ayaa sheegay in arrintan ay astaan u tahay in shirkadaha dalkeenu adeegyada ay bixiyaan ay waafaqsan yihiin halbeegyada caalamiga ah, arrintaas oo si gaar ah u taabaneysa maadaama Wasaaraddu ay dhiirri-gelineyso in shirkadaha isgaarsiinta dalka ay sii horumaraan, isla markaana tayeeyaan adeegyadooda.

“Farxad gaar ah ayay noo tahay in shirkad isgaarsiineed oo waddani ah ay qaadato shahaado noocan oo kale ah. Waa aqoonsi la siiyay dadaalka ay shirkaddu sameysay, innaguna waan ku bogaadineynaa. Waxaan rajeyneynaa in horumarka noocan oo kale ah la isaga dayan doono.”

Shircigii isgaarsiinta ee la saxiixay 2017-dii wuxuu shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed fursad u siinayaa sidii ay u nidaamin lahaayeen hawlahooda, iyadoo dhowaan Hay’adda Isgaarsiinta Qaranku ay billowday bixinta rukhsadihii (license) ugu horreeyay ee uu dalku yeesho oo ku saleysan sharciga, iyadoo rukhsadahaas ay noqon doonaan kuwo laga aqoonsan yahay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa.

Previous Post

Dhulgariir Cabirkiisu Yahay 7.8 Richter oo Ku Dhuftay Jaziradaha Kuril ee Ruushka.

Next Post

Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

Next Post
Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In