Isuduwaha caafimaadka degmada Cadaado Cabdi Xasan Cali oo wakiil ka ah wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa maanta MCH-ka magaalada Cadakibir ee gobolka Galgaduud gaarsiiyey dawo loogu talagalay in wax looga qabto baahiyaha caafimaadka ee deegaankaasi ka jiray.
Cabdi Fooljaawe ayaa xusay in qaybaha dawadan ay ka koobantahay lagu saleeyey dalabka ay soo gudbiyeen kooxda caafimaadka ee halkan ka shaqaysa oo xilliyadii dambe ay haysatay dawo yari.
Xirsi Kaariye Yarow madaxa MCH-ka Cadakibir ayaa ka mahadceliyey dawada la soo gaarsiiyey, isagoo xusay inay kula tacaalayaan cudurada deegaanka haatan ka jira oo ay ugu horeeyaan shubanka, nafaqadarrida iyo cudurada neef mareenka.
Cumar Dhoore Siyaad oo ka mid ah bulshada deegaanka ayaa sheegay inay dhib wayn ku hayso inaanu deegaanku lahayn adeeg caafimaad oo ku filan iyo inaysan haysan gaari bukaanada daran lagu gaarsiiyo Cadaado, isagoo ka digay in waqtiga abaaraha ay imaan karaan cudurro badan.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Cadakibir Cabdikariin Axmed Dhagataag ayaa isuduwaha caafimaadka degmada Cadaado iyo wasaaradda caafimaadka Galmudugba u jeediyey baaq ku aadan in lagala qayb qaato sidii cadakibir ay u heli lahayd Isbital rasmi ah.
Isuduwaha caafimaadka degmada Cadaado Cabdi Fooljaawe ayaa kormeeray MCH-yada Cadakibir iyo Gidhays, isagoo u kuur galaya sida ay bulshada ugu adeegaan.