Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo daah-furtay barnaamijka horumarinta xirfadda Umulisooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo daah-furtay barnaamijka horumarinta xirfadda Umulisooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maryan Maxamed Xuseen ayaa maanta Muqdisho ka daah-furtay barnaamijka horumarinta xirfadda oo ah mid loogu talogalay In sare loogu qaado aqoonta iyo xirfadda Umulisooyinka Soomaaliyeed, si ay dhankooda adeeg caafimaad oo hufan, tayana leh u siiyaan hooyada iyo dhallaanka.

Barnaamijka horumarinta xirfadda oo ay diyaarintiisa iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka iyo hey’adda UNFPA ayaa waxaa daahfurkiisa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda caafimaadka, waxaana u jeedku yahay In xirafadlayaasha caafimaadka gaar ahaan Umulisooyinka in loo gudbiyo aqoontii ugu dambeysay si ay u helaan xirfado ku filan oo ay ku shaqeyn karaan marka lagu jiro xaaladaha caadiga ah iyo kuwa adagba.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xuseen Calasoow iyo Agaasimaha Siyaasadda iyo Qorsheynta Dr Cabdifataax Axmed Maxamed ayaa tilmaamay muhiimadda uu barnaamijkan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Maryan Maxamed Xuseen oo furtay tababarka ayaa ka qeyb galayaasha ku boorisay iney ka faa’iideystaan barnaamijkan muhiimka ah ee sare loogu qaadayo aqoontooda.

Previous Post

Ra”iisulwasaare kuxigeenka oo furay Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday jaangoynta Misaaniyadda

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday jaangoynta Misaaniyadda

Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday jaangoynta Misaaniyadda

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In