Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka tuulada Golaleey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq daawo ah gaarsiisay xarun Caafimaad oo ku taalla Deegaanka Golaleey ee degmada Balcad, halkaas oo la dhigay dad uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Xildhibaan  Cumar  Maxamed Maxamuud  oo  ka mid  ah  mudanayaasha  Baarlamaanka Soomaaliya  ayay Wasaaradda caafimaadka u soo wakiilatay in deeqdan uu gaarsiiyo deegaankaasi, taasi oo loogu talagalay in lagu daweeyo  dad  uu  soo ritay  cudurka  Shuban biyoodka  oo  la soo gaarsiiyay Isbitaalka  Tuulada  Golaleey  oo  ka mid  ah  tuulooyinka  hoos yimaada Degmada  Balcad  ee  Gobalka  Shabeellaha  Dhexe,  wuxuuna  Xildhibaanka  ku wareejiyay  Maamulka  Isbitaalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Dr  Mahad  Cumar  Abuukar  oo  ah  Madaxa  Isbitaalka  Golaley  oo  deeqda dawada  ah  la gaarsiiyay  ayaa  ugu  mahad  celiyay  Wasaaradda  Caafimaadka sida  ay  ugu  fidisay  Gurmadka  degdega  ah, waxaana uu balan qaaday in ay ugu adeegayaan bulshada.

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” ayaa ugu horeyn Wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay sida ay ugu gurmaneyso bulshada Soomaaliyeed, isagoo maamulka isbitaalka ka dalbaday inay wax ugu qabtaan bukaanada isbitaalka ku jira.

“Waxaan  halkan  ugu  mahadcelinayaa  Wasaaradda Caafimaadka  oo ka  soo  baxday  doorka  ay  ku  laheyd  u  gar gaarida bulshada, waxaana  leeyahay  Maamulka  Isbitaalka  dadaala  idinkana  marka  bulshadaan masiibooyin  rabaani  ah  ayaa  horay  kudhacay,  kanina  waa  mid  kale  oo halistiisa  leh ee u gurmada dadka uu cudurka shubanka soo ritay”.ayuu yiri Xildhibaanka.

8-dii bishaan  ayey  aheyd  markii  uu  cudurka  shubanka  uu  ka  dilaacay Tuulada Golaleey  kaasi oo soo ritay 58 ruux oo sagaal ka mid ah ay u geeriyoodeen, halka kuwa qaar ay iminka xaaladooda caafimaad soo hagaageyso.

Dhanka   Kale  waxaa  deeq  tan la mid ah oo ka timid  ururka  Yole  iyo  Maamulka  Degmada Balcad la gaarsiiyay  isbitaalka Golaleey, iyadoo  Gudoomiyaha  Degmada  Balcad ee  Gobalka Shabeellaha  Dhexe  Maxamuud  Maxamed  Maxamuud  Saneey  uu dawada ku  wareejiyay  Maamulka  Isbitaalka

Gudoomiyaha  Ururka  Yole   Awees  Axmed  Caddoow  ayaa  sheegay  in dadkan  ay  ka mudnaayeen  in  ka badan inta  ay  hada  lasoo gaareen  Balse Daruuftu  ay  keentay, isagoo xusay in tani ay u sii noqoneyso kaalmo bilow ah.

Guddoomiyaha Degmada  Balcad  Maxamuud  Maxamed Maxamuud  Saney ayaa  Sheegay  in  ay  siweyn  ugu   mahad  celinayaa  dhallinyarada  ururka Yole  oo  deeqdan  ay  katimid, isagoo intaa ku daray in kan maamul ahaan ay mar waliba ka warqbai doonaan xaaladaha bukaanada ku jira isbitaalka.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

UNHCR iyo Talyaaniga oo ku heshiiyay caawinta qaxootiga Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
UNHCR iyo Talyaaniga oo ku heshiiyay caawinta qaxootiga Soomaaliyeed “SAWIRRO”

UNHCR iyo Talyaaniga oo ku heshiiyay caawinta qaxootiga Soomaaliyeed "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In