Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta adeeg dawo ah gaarsiisay maxabiista ku jira xabsiga dhexe ee Xamar, taasi oo Wasaaradda uu ka gudoomay Taliyaha ciidanka Asluubta .
Wasiirka Cafimaadka Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ay wahliyaan mas’uuiyiin ka tirsan Wasaarada iyo sarkiisha ciidanka asluubta waxa ay kormeereen qeybo ka mid ah xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo u jeedka kormeekoodu ahaa u kuur gelidda xaaladda caafimaad ee maxaabiista xabsiga ku xiran, waxayna warbixin ka dhageysatay saraakiisha oo ka hadlay xaaladaha ay ku suganyihiin maxaabiista xabsiga ku xiran iyo in uu jiro fasal maxaabiista daruus kala duwan loogu dhigo.
Taliyaha ciidanka Asluuubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Waraabhinta Qaranka la hadley ayaa sheegay in taliska ciidanka Asluubta uu wada dadaalo ku aadan in la hirgaliyo isbitaal ay leeyihiin ciidanka iyo maxaabista ku xiran xabsiga dhexe isgoo uga mahaddceliyay Wasiirka Caafimaadka sida ay u soo gaarsiisay maanta deeqda daawada ah.
“Waxaa ay nookeeyntay Wasiirka Cafimaadka Dr Xaawo deeqa dawo ah oo nuucyo kale duwen ay ku jirto aad ayaan ugu mahdceliyaa kormeerka ay maanta nugu timid iyo sida ay mar waliba nooga warheyso, aad ayna noo dhiirigelinaysaa arrintaasi, Taliska ciidanka asluubta waxa uu qorsheysan in uu hirgeliyo isbitaal ay le yihiin ciidanka iyo maxaabista, waxaana laga dhisaa gudaha cisbtaalka xooga dalka, waxaana ugu mahadcelinayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka sida noogu deeqay dhul weyn oo aan ka dhisano cisbtaal” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir Goobe.
Drs Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Cafimaadka ee Xukumada soomaaliya oo kormeerka kadiba la hadshey Warabaahinta Qaranka ayaa sheegtay in taliska ciidanka asluubta ay ka tageereyso sidii loo hirgelin lahaa isbitaal ay le yihiin cidanka asluubta si adeegyo cafimaada loogu qabto maxaabista ku jirta Xabsiga Dhexe.
“Markaa aan imaanay Xabsiga dhexe isma aaan dhihin arrimahaan ayaad ku argeysaa xabsiga isla maarkaan xasbisga ayaa wax lagu baraa maxaabista, waxaan balan qadayaa in taliska ciidanka asluubta in aan ka taageero hirgelinta isbitaalka iyo qalabeyntiisa, waxaan u mahadcelinayaa taliyaha Asluubta sida uu maanta noogu soo dhaweyay xabsiga dhexe iyo sida uu uga shaqeynayo horamrinta xabsiga dhexe ee Xamar”l. ayay tiri Drs Xaawo.
Wasaaradda Cafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaalo xoogan ugu jirto sidii loo horumarin lahaa Cafimaadka dalka, iydoo deeq sidaan oo kale ay horey u gaarsiiyeen qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.