Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka Koonfurgalbeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq dawo ah ku wareejisay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qorshaha kor u qaadista adeega caafimaad ee shacabka deegaannada maamulkaasi ku dhaqan.

Deeqda dawo ah oo gaaraysa ilaa iyo saddex gaari oo nuuca xamuulka qaada ah ayaa loogu talagalay in wax loogu qabto bulshada ku dhaqan deegaannada Maamulka Koonfurgalbeed oo ay ka jirto xaalado caafimaad darro ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush oo deeqda dawada ah lagu wareejiyay ayaa Wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay sida ay kaalmadan dawada ah u soo gaarsiiyeen, isagoo balan qaaday in dawadan ay gaarsiin doonaan meelaha ugu haboon.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi “Cismaan Daalo” ayaa xusay in dawadan ay Wasaaraddu ku wareejisay Maamulka Koonfurgalbeed ay tahay mid ugu talagaleen in wax loogu qabto bulshada deegaannada maamulkaasi ku dhaqan, waxaana uu intaa ku daray in deeqdan ay Wasaaradda ka heshay boqortooyada Sacuudiga.

“Deeqdan dawada ah waxaan ugu talagalnay in wax looga qabto baahiyaha caafimaad ee ka jirta deegaannada Maamulka Koonfurgalbeed, runtii Wasaaradda Caafimaadku waxaa ka go’an in dawooyin ay gaarsiiso Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo gobolada kale ee aan wali laga hirgelinin nidaamka federaalka ah” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka.

Previous Post

Madaxweynaha “Arrinta wadahadalka Somaliland meel wanaagsan ayeey mareysa”

Next Post

Dibadbaxayaal hakiyay wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo meleteriga Burkina faso

Next Post
Dibadbaxayaal hakiyay wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo meleteriga Burkina faso

Dibadbaxayaal hakiyay wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo meleteriga Burkina faso

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In