Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda caafimaadka oo ka digtay si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda caafimaadka oo ka digtay si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan lagu xusayey Todobaadka wacyigelinta iyo ka hortagga si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha

Iyadoo 18- ilaa iyo 24 November ee sanad walba dunida oo dhan laga Xuso Todobaadka wacyigelinta iyo ka hortagga si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha ah ayey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO waxay qabatay kulan Bulshada looga wacyigalinayo qataraha caafimaad ee lagala kulmi karo si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha, Taas oo horseedi karta In jeermisku adkeysi u yeesho daawooyinka jeermis-dilaha ah.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madasha oo lagu soo bandhigay Cilmibaarisyo iyo doodo ay ka qeyb galeen dhakhaatiir iyo Xeeldheerayaal caafimaad ayaa la isla qaatay In ay waajib tahay In bulshada laga wacyigeliyo dhibaatada laga dhaxli karo in si qaldan loo isticmaalo daawooyinka jeermis dilayaasha ah oo sababi kara Qataro caafimaad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa xusay inay ka Wasaarad ahaan ay diyaariyeen qorshooyin iyo sharciyo quseeya arrimaha daawooyinka, isla markaana marka la meermariyo ay Wasaaraddu awood u yeelan doonto inay xadido oo ay koontaroosho tayada caafimaad ee daawooyinka dalka la keeno.

Munaasabadda xuska todobaadka wacyigelinta ka hortagga si qaldan u isticmaalka antibaayootikada oo socon doonto muddo hal todobaad ah ayeey Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya sanadkan ugu talo gashay barnaamijyo wacyigelin ah oo laga sameyn doono qaar ka mida isbitaalada dalka, si bulshada loo tusaaleeyo qataraha ku xeen-daaban si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha ah.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhagax dhigay Iskuul la balaarinayo “SAWIRRO”

Next Post

Federal Ministry of Health statement of Covid-19 and women in pregnancy

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 254 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Federal Ministry of Health statement of Covid-19 and women in pregnancy

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In