Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda caafimaadka oo ka digtay si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda caafimaadka oo ka digtay si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan lagu xusayey Todobaadka wacyigelinta iyo ka hortagga si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha

Iyadoo 18- ilaa iyo 24 November ee sanad walba dunida oo dhan laga Xuso Todobaadka wacyigelinta iyo ka hortagga si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha ah ayey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO waxay qabatay kulan Bulshada looga wacyigalinayo qataraha caafimaad ee lagala kulmi karo si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha, Taas oo horseedi karta In jeermisku adkeysi u yeesho daawooyinka jeermis-dilaha ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madasha oo lagu soo bandhigay Cilmibaarisyo iyo doodo ay ka qeyb galeen dhakhaatiir iyo Xeeldheerayaal caafimaad ayaa la isla qaatay In ay waajib tahay In bulshada laga wacyigeliyo dhibaatada laga dhaxli karo in si qaldan loo isticmaalo daawooyinka jeermis dilayaasha ah oo sababi kara Qataro caafimaad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa xusay inay ka Wasaarad ahaan ay diyaariyeen qorshooyin iyo sharciyo quseeya arrimaha daawooyinka, isla markaana marka la meermariyo ay Wasaaraddu awood u yeelan doonto inay xadido oo ay koontaroosho tayada caafimaad ee daawooyinka dalka la keeno.

Munaasabadda xuska todobaadka wacyigelinta ka hortagga si qaldan u isticmaalka antibaayootikada oo socon doonto muddo hal todobaad ah ayeey Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya sanadkan ugu talo gashay barnaamijyo wacyigelin ah oo laga sameyn doono qaar ka mida isbitaalada dalka, si bulshada loo tusaaleeyo qataraha ku xeen-daaban si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha ah.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhagax dhigay Iskuul la balaarinayo “SAWIRRO”

Next Post

Federal Ministry of Health statement of Covid-19 and women in pregnancy

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 254 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Federal Ministry of Health statement of Covid-19 and women in pregnancy

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In