Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo kulan soo dhaweyn ah u sameysay howlwadeenno Caafimaad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo kulan soo dhaweyn ah u sameysay howlwadeenno Caafimaad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan soo dhaweyn ah u sameysay Howl-wadeenno cusub oo ku guuleystay ka mid noqoshada Mashruuca Damal Caafimaad oo loogu talo galay in sare loogu qaado Adeegga caafimaad ee Bulshada

Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay kulankan oo u jeedkiisu ahaa soo dhaweynta Howlwadeenadan cusub oo ku guuleystay imtixaan furan oo ay u galeen ka mid noqoshada Mashruuca Damal Caafimaad oo ah barnaamij loogu talo galay in sare loogu qaado adeega Caafimaad ee bulshada, gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka iyo ka hortagga cudurada faafa iyo in Wasaaraddu awood u yeelato fulinta mashaariicda.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Mashruuca Damal Caafimaad oo muddo Afar sanno ah socon doona ayaa waxaa ku bixi doonta lacag boqol Milyan oo doolar ah, waxaana laga fulin doona shan Gobol sida uu sharxay Xiriiriyaha Mashruuca Damal Caafimaad Nuur Cali Maxamuud.

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Xuseen Calasow ayaa inta uu kulanka socday Howlwadeenada cusub la wadaagay qaab howleedka iyo hadafyada Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna xusay inay gacmo furan ku soo dhaweenayaan shaaqlaha cusub ee Wasaaradda kusoo biiray.

Ugu dambey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cabdinaasir Muqtaar Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa xusay inuu ku raja weynayahay In howlwadeennada cusub ee nasiibka u yeeshay inay ka mid noqdaan Mashruuca Damal Caafimaad ay wax badan kusoo kordhin doonaan Adeegga Caafimaad ee dalka, isla markaana ay waajibaadkooda shaqo u gudan doonaan si hufan sii loogu guuleyto hadafka loogu talogalay Mashruuca Damal Caafimaad oo ay ugu horeyso daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay Ergeyga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Hantidhowrka guud oo ka digay in aan loo marin hannaan aan sharciga waafaqsaneyn hantida hey’addaha dowladda

Next Post
Hantidhowrka guud oo ka digay in aan loo marin hannaan aan sharciga waafaqsaneyn hantida hey’addaha dowladda

Hantidhowrka guud oo ka digay in aan loo marin hannaan aan sharciga waafaqsaneyn hantida hey’addaha dowladda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In