Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo kulan soo dhaweyn ah u sameysay howlwadeenno Caafimaad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo kulan soo dhaweyn ah u sameysay howlwadeenno Caafimaad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan soo dhaweyn ah u sameysay Howl-wadeenno cusub oo ku guuleystay ka mid noqoshada Mashruuca Damal Caafimaad oo loogu talo galay in sare loogu qaado Adeegga caafimaad ee Bulshada

Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay kulankan oo u jeedkiisu ahaa soo dhaweynta Howlwadeenadan cusub oo ku guuleystay imtixaan furan oo ay u galeen ka mid noqoshada Mashruuca Damal Caafimaad oo ah barnaamij loogu talo galay in sare loogu qaado adeega Caafimaad ee bulshada, gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka iyo ka hortagga cudurada faafa iyo in Wasaaraddu awood u yeelato fulinta mashaariicda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Mashruuca Damal Caafimaad oo muddo Afar sanno ah socon doona ayaa waxaa ku bixi doonta lacag boqol Milyan oo doolar ah, waxaana laga fulin doona shan Gobol sida uu sharxay Xiriiriyaha Mashruuca Damal Caafimaad Nuur Cali Maxamuud.

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Xuseen Calasow ayaa inta uu kulanka socday Howlwadeenada cusub la wadaagay qaab howleedka iyo hadafyada Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna xusay inay gacmo furan ku soo dhaweenayaan shaaqlaha cusub ee Wasaaradda kusoo biiray.

Ugu dambey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cabdinaasir Muqtaar Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa xusay inuu ku raja weynayahay In howlwadeennada cusub ee nasiibka u yeeshay inay ka mid noqdaan Mashruuca Damal Caafimaad ay wax badan kusoo kordhin doonaan Adeegga Caafimaad ee dalka, isla markaana ay waajibaadkooda shaqo u gudan doonaan si hufan sii loogu guuleyto hadafka loogu talogalay Mashruuca Damal Caafimaad oo ay ugu horeyso daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay Ergeyga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Hantidhowrka guud oo ka digay in aan loo marin hannaan aan sharciga waafaqsaneyn hantida hey’addaha dowladda

Next Post
Hantidhowrka guud oo ka digay in aan loo marin hannaan aan sharciga waafaqsaneyn hantida hey’addaha dowladda

Hantidhowrka guud oo ka digay in aan loo marin hannaan aan sharciga waafaqsaneyn hantida hey’addaha dowladda

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In