Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta qabatay Shirka Saddex bilood laha ah ee dib u eegista xogta caafimaadka Dalka ee loo yaqaano (HMIS) .
Shirkaan dib u eegista xogta Caafimaadka ee saddexdii bilood ayaa lagu soo bandhigaa xogo kala gadisan oo ay Wasaaraddu soo uruurisay, ayadoo la eegayo horumarada la sameeyay iyo sidoo kale caqadbadaha jira si looga hadlo.
Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, Dowladaha xubnaha ka ah gaar ahaan Saraakiisha ka shaqaysa xogta Caafimaadka dalka. Kulankaan waxa iska kaashaday Wasaraadda Caafimaadka ee XFS, iyo Hay’adda UNICEF, Sidoo kale Kulanka waxaa lagu soo bandhigay qodobadii ka soo baxay kormeeradii lagu sameeyay Xogta Xarumaha Caafimaad ee ku qoran Diiwaan-ka bukaanada.