Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo  Muqdisho ku qabatay xuska maalinta caalamiga ah ee Aydhiska adduunka”SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo  Muqdisho ku qabatay xuska maalinta caalamiga ah ee Aydhiska adduunka”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midnimo caalami ah iyo mas’uuliyad wadaag ah waa hal ku dhega munaasabadan oo ay si wadajira usoo qaban qaabiyeyn wasaaradda caafimaadka iyo guddiga ka hortagga aydhiska taas oo diirada lagu saaray la dagaalanka iyo ka hotagga cudurka AIDSka, iyo garab istaaga Dadka la nool cudurka xilli Maanta aduunyada looga dabaal dagayo maalinta caalamiga ah ee Aydhiska adduunka.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeyn masuuliyiin ka tirsan dowladda, dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha guddiga ka hortaga cudurka Aidska ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale kaas oo xusay in ay takoor badan la kulmaan Dadka la nool cudurka.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Maxamed Saciid oo kamida Dalada Dadka la nool cudurka HIV Aids iyo Sacdiyo Cabdisamad Cabdulahi oo ah Madaxa HIV Aids ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa dadka qaba cudurka kula taliyay Inay yimaadaan goobaha caafimaad si xaalkooda loola tacaalo.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaanda aqalka sare ayaa sheegay In loo baahanyahay in la kordhiyo wacyigelinta ka hortagga HIV AIDS.

Wasiirkii ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Axmed Xuseen Macalin oo munaasabadda soo xiray Ayaa sheegay inay ku dadaali doonan sidii ay u garab istaagi lahaayeyn dadka qaba cudurka HIV Aids.

Sida ka muuqatay shax ay soo bandhigtay wasaarada caafimaadka Soomaaliya waxaa hoos u dhacay dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV Aids, maadama sanadkii 2019 tiradoodu ay aheyd 10674 halka sanadkan 2020 ay tiradoodu tahay 10409.

Previous Post

Wasiirka Haweenka oo Culimada ugu Baaqday in ay Kordhiyaan Wacyigelinta Tacdiyadaha Dumar +Sawirro

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo ku bogaadisay shacabka degaanka Bacaadweyne geesinimo dirirka iyo sida ay u garab istaageen ciidanka Qaranka

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo ku bogaadisay shacabka degaanka Bacaadweyne geesinimo dirirka iyo sida ay u garab istaageen ciidanka Qaranka

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In