Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo warmurtiyeed ka soo saartay shir looga hadlayay ka hortagga cudurka COVID-19

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo saartey war-saxaafadeed ay kaga hadlayso shirka wada tashiga ahaa ee looga hadlayay ka hortagga cudurka Coronavirus, kaasi oo u dhexeeyay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiirada Caafimaadka ee dowlad goboleedyada dalka ee qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo muddo labo cisha ah uga socday magaalada Muqdisho ayay ugu dambeyn ka soo saareen war-saxaafadeed ay uga hadlayaan waxyaabaha ay isla garteen, kuwaasi oo kala ah:

Related posts

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

February 18, 2026
  1. Waxaa jira in 16ka Maarso 2020, cudurka Coronavirus laga helay muwaadin Soomaaliyeed. Waxaana maanta oo ay taariikhda tahay 26ka Maarso 2020 laga helay cudurka Corona muwaadin kale oo Soomaaliyeed.
  2. 9 Muwaadin ayaa ku jirta xarunta Qaran ee hubinta bed-qabka bulshada oo iyagu ah dad ka yimid qaar ka mid ah waddamada uu cudurka Corona aadka u saameeyay oo lagu heyn doono xarunta ilaa iyo inta ay ka dhameysanayaan 14ka beri ee cudur huuriska. Dhamaantood waxaa loo sameeyay baaritaanno, natiijada ka soo baxdana Wasaaradda ayaa dib ka shaacin doonto.
  3. Wasaaraddu waxa ay kulan balaaran oo labo maalmood ah (25-26 March 2020) isugu yeertay Wasiirada caafimaadka ee dowlad goboleedyada si looga wada-tashado qorshaha Qaran ee ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).
  4. Kulanka oo ay joogeen Wasiirada caafimaadka heer Federaal iyo heer maamul goboleed ayaa waxaa maalintiisa koowaad diiradda lagu saaray dhameystirka qorshaha Qaran ee ka hortagga iyo ka diyaar garowga caabuqa Corona (COVID-19).
  5. Kulanka oo maanta ku soo dhamaaday guul waxaa ka soo baxay qodobadan:
  • In Wasaaradaha caafimaadka heer Federaal iyo heer maamul goboleed dar dargeliyaan howlaha la xiriira ka diyaar garowga caabuqa Corona.
  • In si wada jir ah loo sameystay qorshaha Qaran ee ka diyaar garowga caabuqa Corona.
  • Qorshaha Qaran ee maanta la daah furay ayaa fulintiisu u baahan in la geliyo dedaal dheeraad ah.
  1. Ugu dambeyn, Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhexeeya Wasaaradaha caafimaadka ee Maamul Goboleedyada dalka.

Halkan ka Akhriso War-saxaafadeedka

 

Previous Post

Daynta cafinta laga helo mashruuca (IMF) ee dalalka faqiirka ah ee aad u deymaysan (QORMO)

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

February 18, 2026
0

Budapest, Hungary – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Jarmalka iyo Poland, Mudane Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadan), ayaa si...

Madaxweynaha JFS oo baaq ku aaddan Gurmadka Abaaraha u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo baaq ku aaddan Gurmadka Abaaraha u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

February 18, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda...

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In