Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Maryan Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Isbitaal Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed, ayaa Mashiino kala duwan oo casriya oo loogu talagalay Horumarinta Isbitaalka gaar ahaan qeybta sheybaarka kala wareegay Cutub ka tirsan Ciidamada Talyaaniga ee taakuleynta ee loo soo gaabiyo (CIMIC).
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Maryan Maxamed Xuseen ayaa ugu horeyn Talyaaniga uga mahadcelisay doorka weyn oo ay ka qaatyn dayactirka iyo qalabeynta Isbitaalka Banaadir, waxayna dhinaca kale xustay in mashiinadan casriga ah loogu adeegi doono Hooyada iyo dhallaanka oo ah kuwa bulshada ugu nugul.
Madaxa Cutubka Ciidamada Talyaaniga ee Taakuleynta Colonel Domenico Di Carluccio, ayaa sheegay inay qalabkaan ugu talagaleen horumarinta Isbitaalka Banaadir, isla markaana ay sii xoojin doonaan garab istaaga Isbitaalka oo si bilaasha ugu adeega Hooyada iyo dhallaanka.
Ugu dambeyn, mas’uuliyinta ayaa ayaa si wadajir ah u kormeermay qeybo ka mida ah Isbitaalka oo ay ka socdeen shaqooyinka maalinlaha ah ee u gargaarida iyo baxnaaninta bukaanada isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.