Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Cadaaladda  oo Muqdisho  ka furtay siminaar ku saabsan habraaca sharci qorista “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Cadaaladda  oo Muqdisho  ka furtay siminaar ku saabsan habraaca sharci qorista “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira sameynta tirakoobka sharciyada dalka.

Tababbarkan oo socon doono muddo labo cisho ah, isla markaana lagu baran doono habraaca sharci qorista oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda ayaa waxaa ka qeyb galay Howlwadeenada Wasaaradda, Hay’adaha Madaxa Banaan, Xafiiska Xeer illaalinta Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Taliska Ciidanka Asluubta, Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka, Jaamacadaha Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kula dar daarmay shaqaalaha tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan fursadda soo martay, ayna uga faa’iideeyaan inta aan nasiibka u yeelan, ayna ka soo dhalaallaan howlaha loo igmaday.

“Arrinta maanta la idinku yeeray waxa ay tahay inaad ka qeyb gashaan tababarka oo wacyi gelin ahaan u joogtaan xafiisyada aad joogtaanna si daacad ah ula shaqeysaan, idinkoo aad ilaalineysaan sharciga dalka u degsan, ahmiyadda labaad ayaa ah in la joogteeyo wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha ku shaqada leh” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

“Wasaaradda Cadaaladda waxa ay shaqadeedu tahay inay arruuriso sharuucda dalka u degsan, keydiso iyadoo kaashaneyso xafiiska Garyaqaanka guud oo shaqadooda tahay inay soo saaraan faafinta rasmiga ah, marka waxaa loo baahanyahay in sharuucda dalka loogu soo hagaago Wasaaradda Cadaaladda iyo xafiiska garyaqaanka Guud” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka oo shaaciyay inay qorsheynayaan hirgelinta maktabad lagu keeydinayo sharuucda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Wasaaraddu ay tirikoob ku sameyn doonto sharuucda dalka laga soo bilaabo xiligii maxmiyadda ilaa iyo markii la qaatay xoriyada dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta oo soo saartay warbixinta sicirka Suuqyada Dalka

Next Post
Dowladda FS oo war ka soo saartay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Wasaaradda Qorsheynta oo soo saartay warbixinta sicirka Suuqyada Dalka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In