Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Dastuurka oo ka warbixisay taariikh nololeedkii Maxuum Wasiir Cabdi Xoosh

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Dastuurka oo ka warbixisay taariikh nololeedkii Maxuum Wasiir Cabdi Xoosh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku-Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasime-waaxeedyada, La-taliyayaasha iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxay ka tacsiyadeeynayaan geeridii naxdinta lahayd ee maanta ku timid Marxuum Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Dhamaan howlwadeenada Wasaaradda waxay murugada la qeybsanayaan qoyskii, asxaabtii iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdi Xoosh.

Marxuum Xoosh ayaa sanadkii 1956 ku dhashay magaalada Jowhar isagoo bilowgii waxbarashadiisii ku soo qaatay magaalada Jowhar, wuxuu shahaaddada koowaad ka qaatay Jaamacadda Toronto isagoo diyaariyay Cilmiga Sociology-ga, kadibna wuxuu cilmiga Sharciga ka diyaariyay Iskuulka Osgoode Hall Law School ee Jaamacadda York ee ku taalla Toronto, Canada. Marxuum Xoosh oo muddo Qareen ahaan uga shaqeeynayay dalka Canada ayaa ka soo shaqeeyay arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka, Qoyska, Shaqaalaha iyo arrimaha Xuquuda Aadanaha.

Bartamihii sanadkii 2011-kii, Marxuum Cabdi Xoosh waxaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee dowladii Kumeel-gaarka ahayd, intii lagu guda jiray sanadihii 2011-2012-ka, wuxuu hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya kaasoo la ansixiyay August 2012-kii. Intaa Kadib wuxuu kamid noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii 9aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo 2012-2016-kii noqday Gudoomiyihii Guddi-hoosaadka Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaankii 9-aad.

Laga soo bilaabo 2013-kii illaa 2018-ka, Marxuumka wuxuu la shaqeynayay oo uu ahaa Xubin Sare ee Arrimaha Siyaasadda ee Machadka Dhaqaalaha iyo arrimaha Siyaasadda Bulshada ee Geeska Afrika ee loo yaqaano HESPI isagoo Macahadka kala talinayay arrimaha Sharciga Dastuurka, Federaaleynta iyo Daadejinta Maamulka, Xuquuqda Aadanaha, Sareeynta Sahrciga, Maamulka iyo arrimaha Garsoorka ee bulshooyinka khilaafyada ka soo kabsaday.

Bishii March 2017-kii, Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu ahaa shaqsi wanaag badan oo si aad u wanaagsan oo isku mid ah ula dhaqmi jiray dhamaan howlwadeenada Wasaaradda, kan ugu hooseya ilaa midka ugu sareeya.

Gabagabadii, dhamaan howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxay Allah ugu baryayaan in Marxuum Cabdi Xoosh uu u naxriisto oo uu Janatul Fidowz ku abaalmariyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku dhawaaqay Guddi heer Wasiirro ah oo diyaariya Aas Qaran

Next Post

Wasiirka Waxbarashada oo ka hadlay geerida Marxuum Cabdi Xoosh “Dhageyso”

Next Post
Wasaaradda Dastuurka oo ka warbixisay taariikh nololeedkii Maxuum Wasiir Cabdi Xoosh

Wasiirka Waxbarashada oo ka hadlay geerida Marxuum Cabdi Xoosh "Dhageyso"

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In