Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud (Filish), iyagoo kawada hadlay arrimaha dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan nuucyada maqaamka caasimadda ee ka jira dowladaha Federaalka dunida si aragti looga qaato.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay, waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, isla markaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.

Wasiirka dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay sida maamulka Gobolku ay waqtigooda usiinayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka gaa rahaan Dastuurka.

“Dastuurku ma ahan wax Wasaaradda dastuurka kaliya kuxiran balse waa waxyaabo 80% quseeya hay’adaha Dowladda ee kala duwan, waana in ay aragti ka keenaan aagagga ay hay’ad walba ku howlantahay, tusaale waa in Wasaaradda caafimaadku ay aragti ka keentaa sida loo maamulayo caafimaadka, waxbarashada sidoo kale waana in ay ku salaysnaataa cilmibaaris” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac.

Wasaaradda Dastuurka aya wada howlo muhiim ah Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka, waxayna kulamo shaqo oo badan horey ula yeelatay, lana yeelan doontaa hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaa oo udub dhexaad u ah arrimaha geedisocodka dib-u-eegista dastuurka.

Arrimaha u baahan wadaxaajoodyada siyaasadeed si loogu daro Dastuurka ayaa waxaa loga doodi doonaa banbax howleed ballaaran oo ay Wasaaraddu la yeelan doonto golaha Wasiirada si aragti midaysan looga yeesho.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo casho sharaf u sameeyey diblomaasiin dalka yimid “Sawirro”

Next Post

Doorka Haweenka ee Doorashooyinka iyo Amniga oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Doorka Haweenka ee Doorashooyinka iyo Amniga oo laga hadlay “SAWIRRO”

Doorka Haweenka ee Doorashooyinka iyo Amniga oo laga hadlay “SAWIRRO”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In