Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dhameystirto tarjumaadda Xeerka Gaadiidka Badda (Somali Shipping Code) ayna meel-Mariso Sharciyada kala ah SOLAS &MARPOL kuwasoo muhiim u ah Ganacsiga iyo Badqabka Badmaridda iyo ka hortaga Wasakheynta Badda.
Sharcigaan ayaa ku qornaa luqadda Ingiriiska waxaana Wasaaraddu sheegtay in loo turjumay luqadda Soomaaliga, ayadoo la rajeynayo in dhowaan Golaha Wasiirada la mariyo si uu u noqdo sharci dalka ka dhaqan gala.
Shirkaan oo lagu soo bandhigayay Xeerka Gaadiidka Badda oo maanta ka lagu qabatay muqdisho waxaaa daah furay Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, waxaana ka Soo qaybgalay xubno ka socday Labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo Hay’adaha caalamiga ah UNSOM,EUCAP iyo IMO