Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno, Taliska ciidanka ilaalada Nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafiko, gaadiidleyda qaar ka mid ah ganacsatada Gaadiidka iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.
Cisman Xasan Cilmi oo ku hadlayay magaca ganacsatada Gaadiidka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan sharacigan .
“Halkan in mar kale ay Wasaaraddu noogu yeerto soo bandhigista xeerkii lagu dhaqayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waan soo dhaweyneynaa in dib loo soo celiyo sharcigii gaadiidka oo dalkan lahaa waxaana ku dareynaa wixii talo bixin ah”. ayuu yiri Cismaan.
Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cisman Cilmi Guuleed oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo.
“Xeerkani wuxuu ka midyahay in dib loo howl geliyo shuruucdii lagu dhaqi jiray Gaadiidka ee dalka horay u lahaa, si loo ilaaliyo dowladnimada, waxaad ogsoontihiin markii dowladda la yiraahdo waxaa saldhig u ah in lagu dhaqmo sharciga, marka xeerkan waa xeer lagu hergelinayo dhamaan sharuucdii dalka u yiilay”ayuu yiri Garyaqaanka Guud ee dowladda.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu qeyb weyn ka qaadanayo dhinaca Amniga.
“Sharcigan waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa xaqiijinta amniga, waxaana rajeynayaa in uu sharciga hirgelo” ayuu yiri Wasiirka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa mudooyinkan waday howlo lagu dardar gelinayo horumarinta Gaadiidka iyo hirgelinta sharuucdii gaadiidka u degsanaa.