Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaadiidka oo digniin u jeedisay dadka kala iibsanaya baabuurta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay amarro ku socda dadka Gaadiidka kala iibsada oo lagu amray in warqadaha cadaymaha ah ee gaadiidka lagu kala iibsaday la geeyo xarunta Wasaarada, si loo diiwaan geliyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cali Gacal Gaabow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay soo saareen amar ku saabsan in dadka gaadiidka kala iibsanaya ay warqadda caddeynta ah la yimaadaan xarunta Wasaaradda, si haddii baabuurka lagu geysto fal dambiyeed aysan saameyn ku yeelan qofkii laga iibsaday.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Dadka baabuurka waa ay gadanayaan, mana u diiwaan gashana, gaadiidka ay iibsadeen, dhibaatooyin badan ayaana lagu qabaa, marka dadka gaadiidka kala iibsanaya waxaan farayaa in warqadda kala wareejinta ay la yimaadaan Waaxda Gaadiidka ee BRA, si loo caddeeyo milkiyadda qofka sida rasmi ah ula wareegtay baabuurka” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa ku howlan sidii ay qorshe ugu sameyn lahayd dadka gaadiidka kala iibsanaya, si loo xaliyo muranka ka dhasha gaadiidka lakala iibsanaya.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In