Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga oo sheegtay in Maleeshiyada Shabaab ay ka soo horjeedaan horumarka ganacsi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga oo sheegtay in Maleeshiyada Shabaab ay ka soo horjeedaan horumarka ganacsi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarada ay maleeshiyaadka UGUS ka geesanayaan Hoteelada iyo goobaha kale in ganacsiga ay kaga gol’leeyhiin cuuryaaminta horumarka dhaqaale ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka maleeshiyaadka Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS ay tahay mid ay kaga soo horjeedaan horumarka ganacsi ee dalka ka jirta, waxaana uu ku baaqay in si wada jir ah loola dagaallamo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Nimankaasi waxa ay rabaan in meelaha indhaha u ah bulshada sida, xarumaha ganacsi, aqoonyahanka iyo kuwa kale oo bulshada waxgal u ah inay baabi’iyaan, sababtuna waxa ay diidanyihiin horumarka ganacsi ee dalka, marka shacabkana waxaan leeyahay haka cabsanina hagar daamada ay maleegayaan Shabaab” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka mid ah dadkii ay ciidamada amniga ka soo badbaadiyeen weerarkii Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa ammaan u jeediyay ciidamada, sida ay ugu guuleysteen inay soo badbaadiyaan dadkii Hotelka ku xanibnaa.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Next Post
Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In