Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga oo si rasmi ah u daahfurtay Xog-keydiyaha Ganacsiga Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga oo si rasmi ah u daahfurtay Xog-keydiyaha Ganacsiga Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Xog-keydiyaha Ganacsiga Soomaaliya oo ah Website casri ah (www.stip.gov.so) oo lagu soo uruuriyey xogaha la xiriira Ganacsiga sida shuruucda, xeer-nidaamiyeyaasha iyo guud ahaan xogaha kale ee khuseeya habraacyada Ganacsiga dalka ee ay gacanta ku hayaan hay’adaha dawladda.

Munaasibadda Daah-furka Barnaamijkan oo ka qabsoontay Muqdisho, ayaa waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh Bagadi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasimeyaal, agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka socday Baanka Adduunka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirada oo ugu horreyn Madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay daah-furnaanta Ganacsiga isla-mar-ahaantaana ay Ganacsatada iyo Maal-gashadeyaasha caalamiga ah ay si fudud ganacsiyo iyo maal-gashiyo uga samayn karaan dalka. Waxa sidoo kale ay tilmaamaameen in arrintani ay muhiim u tahay ganacsiga iskaga gudba xuduudaha iyo inuu wax weyn ka tari doono ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka iyo gelitaanka heshiisyada ganacsiga ee wadamada caalamka.

Agaasimeyaasha iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah oo iyagu dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa waxay sheegeen maadaama oo barnaamijkan la sameeyey uu yarayn doono wakhtigii ganacsatada kaga lumi jiray abuurista shirkadaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga dalka isla-mar-ahaantaana ay si fudud ku heli karaan xogaha la xidhiidha Ganacsiga wadanka.

Previous Post

Dood wadaag ku saabsan horumarinta wax soo saarka Dalka lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Dalka Zambia

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Madaxda M/goboleedyada Hirshabeelle K/galbeed, Galmudug iyo QM

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Dalka Zambia

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In