Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka Galmudug oo qabatay kulan lagu xoojinayo doorka hawenka uga aadan hogaaminta dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furtay shir la isugu keenay Haweenka Caasimadda iyo kuwo ka yimid qaar ka mid ah degmooyinka kale ee Galmudug, iyadoo laga talo galinayo habka ugu haboon ee lagu mideyn karo aragtida guud ee haween waynaha, si ay iskaashi uga yeeshaan wada raadinta Xuquuqda Haweenka, gaar ahaan awood siinta Haweenka doonaya ka qayb galka siyaasadda guud iyo gaar ahaan tan gollayaasha Baarlamaanka Federaalka.

Kulankan oo socon doona mudo labo maalmood ah ayaa lagu lafo gurayaa muhiimadda Haweenka iyo doorka wada jirkoodu ku yeelan karo helidda qoondada Haweenka ee doorashooyinka heer Federaal, iyadoo Haweenka kulankan ka qayb galey ay ku dhawaaqeen in ay muhiim tahay wada gaaridda xal rasmi ah oo looga gudbayo kala daadsanaanta haweenka u ordaya in ay buuxiyaan qoondada haweenka ee 30%.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda haweenka Galmudug, Maxamed Cali Alaale oo ugu horeyn hadal ka jeediyay furitaanka talo is waydaarsigan ayaa haweenka looga baahanyahay inay gacan ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo qoondada haweenka ee ka qayb-galka hoggaaminta Dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Galmudug oo madashan goobjoog ka ahaa ayaa tilmaamay in shirkan uu ahmiyad gaar ah siinayo inay noqdaan kuwa isku duuban, oo aragti mid ah ka yeesha kaalinta uga aadan qoondada haweenka ee 30%.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadana Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe ayaa haweenka kulanka ka qayb galey kula dar-daarantay in degmooyinkii ay ka yimaadeen kula laabtaan talooyin waxgal ah oo lagu xoojinayo qoondada haweenka.

Kulankan oo xirmaya maalinta beri ah ayaa qayb ka noqonaya shirarka is daba-jooga ah ee Wasaaradda Haweenka Galmudug ku taageerayso haweenka leh hanka siyaasadeed ee sanadkan ku tartamaya kuraasta labada Aqal ee dowladda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmada Garbahaarey “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland oo doortay Guddoon cusub

Next Post
Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland oo doortay Guddoon cusub

Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland oo doortay Guddoon cusub

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In