Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka Galmudug oo qabatay kulan lagu xoojinayo doorka hawenka uga aadan hogaaminta dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furtay shir la isugu keenay Haweenka Caasimadda iyo kuwo ka yimid qaar ka mid ah degmooyinka kale ee Galmudug, iyadoo laga talo galinayo habka ugu haboon ee lagu mideyn karo aragtida guud ee haween waynaha, si ay iskaashi uga yeeshaan wada raadinta Xuquuqda Haweenka, gaar ahaan awood siinta Haweenka doonaya ka qayb galka siyaasadda guud iyo gaar ahaan tan gollayaasha Baarlamaanka Federaalka.

Kulankan oo socon doona mudo labo maalmood ah ayaa lagu lafo gurayaa muhiimadda Haweenka iyo doorka wada jirkoodu ku yeelan karo helidda qoondada Haweenka ee doorashooyinka heer Federaal, iyadoo Haweenka kulankan ka qayb galey ay ku dhawaaqeen in ay muhiim tahay wada gaaridda xal rasmi ah oo looga gudbayo kala daadsanaanta haweenka u ordaya in ay buuxiyaan qoondada haweenka ee 30%.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda haweenka Galmudug, Maxamed Cali Alaale oo ugu horeyn hadal ka jeediyay furitaanka talo is waydaarsigan ayaa haweenka looga baahanyahay inay gacan ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo qoondada haweenka ee ka qayb-galka hoggaaminta Dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Galmudug oo madashan goobjoog ka ahaa ayaa tilmaamay in shirkan uu ahmiyad gaar ah siinayo inay noqdaan kuwa isku duuban, oo aragti mid ah ka yeesha kaalinta uga aadan qoondada haweenka ee 30%.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadana Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe ayaa haweenka kulanka ka qayb galey kula dar-daarantay in degmooyinkii ay ka yimaadeen kula laabtaan talooyin waxgal ah oo lagu xoojinayo qoondada haweenka.

Kulankan oo xirmaya maalinta beri ah ayaa qayb ka noqonaya shirarka is daba-jooga ah ee Wasaaradda Haweenka Galmudug ku taageerayso haweenka leh hanka siyaasadeed ee sanadkan ku tartamaya kuraasta labada Aqal ee dowladda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmada Garbahaarey “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland oo doortay Guddoon cusub

Next Post
Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland oo doortay Guddoon cusub

Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland oo doortay Guddoon cusub

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In