Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed oo kulan laqaadatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed oo kulan laqaadatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Lakulanka dadka baahiyaha gaarka ah qaba waa mid dareen gaar ah abuurta muuqaal ahaanna ka duwan kulamada kale caadiga ah ee dhaca, waxaa lagu xasuustaa awoodda iyo qadarta Alle waxaana kulan yeeshey dad naafo ah oo isugu jira haween, waayeel, carruur iyo wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ka hadlay duruufaha adag ee noloshooda ku gadaaman,  faquuqa ay kala kulmaan bulshada iyo sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka Madaxda Wasiiradda Haweenka.

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

Isuduwaha Wasaaradda Haweenka ee Gobolka Bakool Raxma Nuur Dheere oo fududeysay kulanka ayaa sheegtay in Wasiirka Haweenka ka dalbatay inay waqti laqaadato dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiir Fahima Cismaan Cumar oo waqti dheer laqaadatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ugu dambeyn hadiyado kala duwan guddoonsiisey dadka ay la kulantay.

Qaar ka mid ah naafada oo wajiyadooda farxad ka muuqatay ayaa Wasiirka Haweenka uga mahadceliyey hadiyadaha ay dadka guddoonsiisay.

Xildhibaannadii safarka ku wehlinayay Wasiirka ayaa  bogaadiyey in la xasuusto oo fikirkoodana la dhageysto dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuqqluuqul Insaanka ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Fahiima Cismaan Cumar ayaa dadka naafada ah ka codsatay inay  ku sabraan caqabadaha ay kala kulmaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

 

MAXAMED XASAN CABDIRAXMAAN (XUDUR BAKOOL0

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay ergo ka socotay Midowga Afrika

Next Post

Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo aas loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo aas loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO”

Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo aas loogu sameeyay Garoowe "SAWIRRO"

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In