Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka daahfurtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan isku dubaridka dhaqaalaha baluugga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka daahfurtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan isku dubaridka dhaqaalaha baluugga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay aqoon is weydaarsi ku saabsan xoojinta isku xirka howlaha la xiriira dhaqaalaha Buluugga ee dalka oo dhan, kaas oo ay ka qeyb galayaan Wasaaradaha xiriirka la leh Dhaqaalaha Buluugga, Hay’addaha daneeya saktarkaan oo ay kamid tahay Hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO iyo mas’uuliyiin ka socta xafiiska Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

Aqoon is weydaarsigaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha Buluugga, gaar ahaan isku dubaridka howlaha muhiimka ah ee la xiriira Dhaqaalaha Buluugga, iyada la raacayo istiraatiijiyadda Qaran ee ay Wasaaraddu u dajisay isku dubaridka dhammaan howlaha la xiriira dhaqaalaha buluugga.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Madaxa Xafiiska IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Kaarshe oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka shirkaan ayaa u mahadceliyey Urur goboleedka IGAD isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ka faa’iideysigan Dhaqalaha Buluugga oo ah aag dihan qeyb weyna ka qaadan kara horumarinta guud ahaan dhaqaalaha wadanka.

Agaasimaha Waaxda Dhaqalaaha Buluugga ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee dalka Marwo Ra’iisa Maxamed oo si rasmi ah u daahfurtay shirkaan ayaa sheegtay in wasaaraddu ay diyaar u tahay xoojinta isku xirka howlaha la xiira dhaqalaha Buluugga si taas loo gaarana ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo ku sabsan arrintaas.

Waxay u mahadcelisay Urur Goboleedka IGAD ee soo qaban qaabisay aqoon isweydaarsigan iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka soo qeybgalay iyada oo sheegtay in ay rajeyneyso in ay ka soo bixi doonaan qodobo wax u tara isku dubaridka howlaha muhiimka ah ee ku saabsan dhaqalaha Buluugga ee dalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qaar ka mid ah Xeryaha iyo Dugsiyada Tababarrada CXD

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo xilka la wareegay

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo xilka la wareegay

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In