Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ku guuleysatay in ay Caalamka ku qanciso hanaankii Soomaaliya deymaha looga cafin lahaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir Beyle “Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Washington DC ku soo geba geboobay shirkii saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Waxbarashada XFS oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda  Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Aduunka IMF/ Madaxda Bankiga Aduunka oo isku dhinac ah.

Shirka oo socday ilaa iyo Todobaadkii tagay waxyaabaha lagu lafa guray ka mid ahaa horumarka Maaliyadda Dalka, sare u kaca Dakhliga Dowladda, Bixinta Mushaarka Joogtada ah iyo hufnaanta maamulka Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyaddu ku tilaabsatay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Miraha shirkaan ka soobaxay waxay guul horudhac ah u yihiin Dowladda Soomaaliya oo caalamka looga leeyahay Balaayiin Doolar, Madaxda IMF iyo kuwa Bankiga Aduunka ayaa hadda shaaciyay in ay ku qanceen maamulka Maaliyadeed, in si sax ah loo uruuriyo Canshuuraha iyo horumarka ay gaartay Dowladda, taasna waxay sababtay in hadaba ay bilaabato howsha cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

“Waxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday Shirkii IMF/Bankiga Aduunka, waxay ku qanceen dhamaan qodobadii aan hordhignay, taasna waxay sababaysaa in Soomaaliya laga cafiyo Deymaha lagu leeyahay, iyadoo ay haddaba bilaabatay howshii iyo qaabkii deymaha nalooga cafin lahaa” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md Dr Bayle.

Dhinaca kale Wakiilka Q.M ee Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay guusha uu soo hooyay Wasiirka Maaliyadda iyo dadaalka uu sanadkaan u galay sare uqaadida Dakhliga Dowladda u soo xarooda iyo qaabkii loo maamulay oo ahaa qaab hufan.

 

 

 

Previous Post

Wasiir Beyle “Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda” SAWIRRO

Next Post

Soomaaliya Oo U Gudubtay Semi Final-ka Cecafa

Next Post
Soomaaliya Oo U Gudubtay Semi Final-ka Cecafa

Soomaaliya Oo U Gudubtay Semi Final-ka Cecafa

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In