Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo kulan wadatashi ah la yeelatay Warbaahinta Madaxbanaan iyo kuwa dowliga ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo kulan wadatashi ah la yeelatay Warbaahinta Madaxbanaan iyo kuwa dowliga ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadatashigan  ayaa ah mid looga hadlayay qorshaha Horumarinta Qaranka  Sagaalaad (QHQ9)  iyadoo ay ka qeybgaleen Madaxda Warbaahinta Madaxa bannaan, Kuwa Dowliga ah iyo Masuuliyiinta  Wasaaradda Qorsheynta

Ujeedada kulanka wadatashiga  ayaa ahaa sidii bulshada Soomaaliyeed  loo gaar siin lahaa tubaha  uu ka kooban yahay  qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad, waxaana 19 12.2018  uu daahfuray qorista  Ra”iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Khayre iyo  Wasiirka WaraasaraddaQorsheynta Mudane Gamaal Maxamed Xasan .

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Wadatashigan  ayaa laysku weedaarsaday  qaabka ugu wanaagsan xogta loo gaarsiin karo Umadda isla markaana warbaahinta ay xog dhaxal gal ah ay uga hesho qorshaha horumarinta qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta  Asad Yusuf Qanyare ayaa warbaahinta madaxdooda u sharaxay tubaha  uu ka kooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad, isla markaana  su’aalaha uga jawaabay Madaxda Warbaahinta goobjooga ka ahayd  wadatashiga.

Qorshaha Horumarinta  Qaranka Sagaalaad (QHQ9) wuxuu xoogga saarayaa sida ugu wanaagsan  ee loo yarayn lahaa saboolnimada (interim Poverty Reduction Strategy compliant iPRSP) iyo in dowladda soomaaliyeed yeelato Qorshe Horumarineed oo ku salaysan yaraynta saboolnimada  isla markaana waxuu door  shariif ah ka qaadanayaa  deyn cafiska soomaaliya.

Qorshaha Horumarinta Qaranka sagaalaad ayaa laga shaqeyn doonaa sanadkaaniyada oo wadatashi lagala yeelan doono Hay’adaha dowladda,Dowlad-Gobaleedyada, Baarlamaanada,  ururada bulshada Rayidka iyo Ganacsatada.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay Dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiyada Caleemasaarka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiyada Caleemasaarka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiyada Caleemasaarka "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In