Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo Ururada Bulshada la yeelatay kulan wada-tashi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo Ururada Bulshada la yeelatay kulan wada-tashi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan wada-tashi ah oo ku saabsan wareegga labaad ee qorshaha horumarinta 9-aad ee Qaranka magaalada Muqdisho maanta kula yeelatay ururada bulshada rayidka ah.

Kulankan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Mudane Asad Yuusuf Qanyare, khubarada qoreysa qorshaha horumarinta Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah. Waxaana halkaas ay madaxda Wasaaraddu ku soo bandhigeen soo jeedin ku saabsan nuqulka koowaad ee Qorshaha horumarinta oo ay ka codsadeen in wixii dhiman ay ku soo daraan Qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo si weyn uga qeyb-qaatay dood-wadaagii iyo falan-qeyntii qorshaha, ayaa halkaas ka soo jeediyey tallooyinkooda ku aadan dhaqaalaha, Nabadda, Cadaaladda, maamul-wanaaga, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah. Waxa kale oo ay isku raaceen inay aad ugu faraxsan yihiin in ay qeyb ka noqdaan isla mar ahaantaana talo laga weydiiyo qorshaha horumarinta Qaranka.

Agaasimaha Qorsheynta Asad Yuusuf Qaran-yare oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u iftiimiyey ahmiyadda uu leeyahay qorshaha horumarinta Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ujeedka la tashigani uu yahay siddii bulshadu ay qeyb uga noqon lahayd qorista Qorshaha horumarinta ee Dowladda, isaga oo carabka ku dhuftay in ay ku faraxsan yihiin la tashi ay la sameeyeen ururada bulshada rayidka ah, isla mar ahaantaana ay qaadanayaan talooyinka ay ka dhiibteen qorshaha.

“Runtii waanu ku faraxsanahay in aanu qorshaha horumarinta Qaranka u soo bandhigno ururada bulshada rayidka ah, ujeedkayagu waxa weeye in dadka laftoodu ay ka qeyb-qaataan qorista qorshaha oo hadda gacanta lagu hayo, waxa aanu dooneynay in aad wixii tallooyinkii na ah iyo soo-jeedinahiiba ku dartaan oo kaga qeyb-qaadataan si waxyaabaha horumarka ah ee dalka laga qabanaya ay u noqdaan kuwo si xaqiiqo ah ugu dhisan baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka iyo waxyaabaha aynu ahmiyadda siinaynno.”. Ayuu yiri Asad Yuusuf Qan-yare.

Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u qabatay wada-tashiga wareega labaad oo ay la yeelatay hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo la dhageystay tallooyinkooda ku aadan qorshaha horumarinta Qaranka iyo in loo soo bandhigay ahmiyadda wareega koowaad.

Wasaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan oo kale waxa ay wada-tashiga wareegga labaad la yeelatay Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganasatada Soomaaliyeed, kuwaas oo  la  dhageystay talooyinkooda ku aadan Qorshaha horumarinta Qaranka.

Abdirashid Nor Ibrahim

 

Previous Post

Beeraleyda Koonfur Galbeed oo tababar loo furay

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

DAAWO SAWIRRADA: Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In