Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo Ururada Bulshada la yeelatay kulan wada-tashi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo Ururada Bulshada la yeelatay kulan wada-tashi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan wada-tashi ah oo ku saabsan wareegga labaad ee qorshaha horumarinta 9-aad ee Qaranka magaalada Muqdisho maanta kula yeelatay ururada bulshada rayidka ah.

Kulankan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Mudane Asad Yuusuf Qanyare, khubarada qoreysa qorshaha horumarinta Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah. Waxaana halkaas ay madaxda Wasaaraddu ku soo bandhigeen soo jeedin ku saabsan nuqulka koowaad ee Qorshaha horumarinta oo ay ka codsadeen in wixii dhiman ay ku soo daraan Qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo si weyn uga qeyb-qaatay dood-wadaagii iyo falan-qeyntii qorshaha, ayaa halkaas ka soo jeediyey tallooyinkooda ku aadan dhaqaalaha, Nabadda, Cadaaladda, maamul-wanaaga, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah. Waxa kale oo ay isku raaceen inay aad ugu faraxsan yihiin in ay qeyb ka noqdaan isla mar ahaantaana talo laga weydiiyo qorshaha horumarinta Qaranka.

Agaasimaha Qorsheynta Asad Yuusuf Qaran-yare oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u iftiimiyey ahmiyadda uu leeyahay qorshaha horumarinta Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ujeedka la tashigani uu yahay siddii bulshadu ay qeyb uga noqon lahayd qorista Qorshaha horumarinta ee Dowladda, isaga oo carabka ku dhuftay in ay ku faraxsan yihiin la tashi ay la sameeyeen ururada bulshada rayidka ah, isla mar ahaantaana ay qaadanayaan talooyinka ay ka dhiibteen qorshaha.

“Runtii waanu ku faraxsanahay in aanu qorshaha horumarinta Qaranka u soo bandhigno ururada bulshada rayidka ah, ujeedkayagu waxa weeye in dadka laftoodu ay ka qeyb-qaataan qorista qorshaha oo hadda gacanta lagu hayo, waxa aanu dooneynay in aad wixii tallooyinkii na ah iyo soo-jeedinahiiba ku dartaan oo kaga qeyb-qaadataan si waxyaabaha horumarka ah ee dalka laga qabanaya ay u noqdaan kuwo si xaqiiqo ah ugu dhisan baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka iyo waxyaabaha aynu ahmiyadda siinaynno.”. Ayuu yiri Asad Yuusuf Qan-yare.

Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u qabatay wada-tashiga wareega labaad oo ay la yeelatay hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo la dhageystay tallooyinkooda ku aadan qorshaha horumarinta Qaranka iyo in loo soo bandhigay ahmiyadda wareega koowaad.

Wasaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan oo kale waxa ay wada-tashiga wareegga labaad la yeelatay Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganasatada Soomaaliyeed, kuwaas oo  la  dhageystay talooyinkooda ku aadan Qorshaha horumarinta Qaranka.

Abdirashid Nor Ibrahim

 

Previous Post

Beeraleyda Koonfur Galbeed oo tababar loo furay

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

DAAWO SAWIRRADA: Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In