Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Wada-tashi ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9) la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ahmiyadda wadatashigaan ayaa ah diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu dalkeena eelanayo, iyaddoo lagu saleenayo yarenta Saboolnimada ama faqriga, waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ururka Haweenka Qaranka.
Inta uu socday wadatashigaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saaray qodabada kala ah Qeexitaanka Saboolnimada , Qiimeynta Xaalada Saboolnimada ee Soomaaliya iyo hanaanka loo kobcin karo dhaqaalaha dalka, islamrkaana shaqo abuur loo Sameyn lahaa, tasi oo ay aad u boggaadiyeen Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS Mudane Asad Yuusaf Qanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dawladda ay ka go’an tahay yarenta Saboolinimada iyo kobcinta dhaqaalaha.
“Waxaan maaliintii labaad wadatashi la yeelaynay rugta ganacsatada Soomaaliyeed oo aan si wayn ugu wadatashanay geedi socodka diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horurmainta Qaranka sagaalaad (QHQ9aad), dawladda way ka go’an tahay yareenta Saboolnimada oo saldhig u ah Qoshaahan, sidoo kale waxuu horseed ka yahay geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya” ayuu yiri Asad Yuusaf Qanyare
Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaayay wadatashiga inuu yahay mid guul weyn dalka u horseedayo, taasi oo ay ku qeexeen muhiimada qorshaha horumarinta Qaranka tubaha saldhiga looga dhigay.