Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo heshiis la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo heshiis la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho , November, 30, 2020 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta saxiixay heshiis Iskaashi ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda maxalliga ah ee Hope Labs Group.

Ujeeddada Iskaashiga ayaa la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaaย  Tayada,bed-qabka Shaqaalaha iyo goobaha shaqada,Waxaa kale heshiiskan uuย  diiradda saarayaa in la soo saaro xirfadleyaal si gaar ah u tababbaran oo haysta Shahaado khibradeed oo la aqoonsan yahay.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Heshiiskan waxaa lagu hormarin doonaa xarumaha tababbarrada xirfadleyaasha iyo agabyada ay u baahanyihiin, sidookale Waxaa ย uu door wanaagsan ka qaadan doonaa in la hormariyo nidaamka kormeerka bed-qabka caafimaadka Shaqaalaha,goobaha Shaqada iyo agabka si looga hortago khataraha ku imaan kara Shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa sidoo kale daahfuray mashruuca diyaarinta khabiir xirfad yaqaan ah, kaas oo ay si tabarucaad ah uga faaโ€™iideysan doonaan ilaa Saddex kun (3,000) oo Arday lagu tababbarayo ย 27 xirfadood oo kala duwan.

โ€œWasaaraddaydu waxay dadaal gelinaysaa sidii lagu dhimi lahaa shaqo laโ€™aanta, si loo gaaro waxaa muhiim ah in la hormariyo xirfadaha iyo bed-qabka Shaqaalaha, taas oo kor u qaadeysa kalsoonida shaqaalaha ,loo shaqeeyaha iyo bulshada, waana irid aan ku geleyno kor u qaadista wax soo-saarka iyo la-dagaallanka saboolnimada.โ€ ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Munaasabadda waxaa goobjoog u ahaa , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , madaxa Hope Labs Group, oo ah shirkad ka shaqeysa Horumarinta xirfadaha iyo bedqabka Shaqaalaha, Culimo,Ganacsato iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Dhammaad

Tags: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo heshiis Iskaashi ah la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+Sawirro
Previous Post

Wasiirka Haweenka: Way Naga go’an tahay Xaqiijinta 30% ee Qoonddada Dumar ee Siyaasadda +Sawirro

Next Post

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Next Post
Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In