Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgalisay Kooxdii Kubadda Cagta Madbacadda Qaranka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgalisay Kooxdii Kubadda Cagta Madbacadda Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa 28-sano ka dib markii ugu horaysay dib u soo noolaysay kooxdii Kubadda Cagta ee Madbacadda Qaranka, taas oo lagu xasuusto ciyaarihii cajiibka ahaa ee barisamaadkii soo bandhigi jirtay kooxdaan.

Munaasabadda dib u howlgelinta Naadiga Madbacadda Qaranka oo hoostagta wasaaradda Warfaafinta, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka Warfaafinta, Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda, ku simaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta, Maareeyaha Madbacadda Qaranka iyo qeybaha ay naadiga ka kooban tahay.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Guddoomiyaha Naadiga Madbacadda Qaranka Cumar Maxamuud Nuur (Mugaanbe) ayaa ballan qaaday in ay si joogta ah ula shaqeyn doonaan wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa soo dhoweeyey in wasaaradda warfaafinta ay muddo dheer kaddib dib u howlgeliso naadigii Madbacadaha Qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii loo tayeyn lahaa Naadiga Macbadda Qaranka.

Wasiir ku xigeenka Dhalilnyarada iyo Cayaaraha Axmed Cumar Isloow  iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa labaduba  sheegay in iskaashiga badan laga yeesho sidii loo xoojin lahaa awoodda Naadiga.

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa yiri “tani waa taariikh dalkeennu leeyahay, wasaaradda waxaa ka go’an in ay dib u soo nooleyso dhammaan taariikhdeedii lagu yaqaanay naadiguna ay si xooggan u taageeri doonaan.

Munaasabadda inta ay socotay ayaa lagu kala saxiixdey heshiis saddex geesood ah uu u dhaxeeyey wasaaradda, Naadiga iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, kuna aaddan dib u howlgelinta Naadiga Madbacadda Qaranka.

Previous Post

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Koofur Galbeed oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Next Post

R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya

Next Post
R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya

R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In