Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgalisay Kooxdii Kubadda Cagta Madbacadda Qaranka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgalisay Kooxdii Kubadda Cagta Madbacadda Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa 28-sano ka dib markii ugu horaysay dib u soo noolaysay kooxdii Kubadda Cagta ee Madbacadda Qaranka, taas oo lagu xasuusto ciyaarihii cajiibka ahaa ee barisamaadkii soo bandhigi jirtay kooxdaan.

Munaasabadda dib u howlgelinta Naadiga Madbacadda Qaranka oo hoostagta wasaaradda Warfaafinta, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka Warfaafinta, Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda, ku simaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta, Maareeyaha Madbacadda Qaranka iyo qeybaha ay naadiga ka kooban tahay.

Related posts

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026

Guddoomiyaha Naadiga Madbacadda Qaranka Cumar Maxamuud Nuur (Mugaanbe) ayaa ballan qaaday in ay si joogta ah ula shaqeyn doonaan wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa soo dhoweeyey in wasaaradda warfaafinta ay muddo dheer kaddib dib u howlgeliso naadigii Madbacadaha Qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii loo tayeyn lahaa Naadiga Macbadda Qaranka.

Wasiir ku xigeenka Dhalilnyarada iyo Cayaaraha Axmed Cumar Isloow  iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa labaduba  sheegay in iskaashiga badan laga yeesho sidii loo xoojin lahaa awoodda Naadiga.

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa yiri “tani waa taariikh dalkeennu leeyahay, wasaaradda waxaa ka go’an in ay dib u soo nooleyso dhammaan taariikhdeedii lagu yaqaanay naadiguna ay si xooggan u taageeri doonaan.

Munaasabadda inta ay socotay ayaa lagu kala saxiixdey heshiis saddex geesood ah uu u dhaxeeyey wasaaradda, Naadiga iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, kuna aaddan dib u howlgelinta Naadiga Madbacadda Qaranka.

Previous Post

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Koofur Galbeed oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Next Post

R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya

Next Post
R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya

R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

January 8, 2026
0

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay isticmaalka aan la ogolayn ee hawada Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In