Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadashay hogaanka NUSOJ

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo fulineysa Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee dhawaan la melmariyay, waxay gacanta ku heysaa hirgelinta Xeerka Saxaafadda iyo farintaanka qodobada sharciga Saxaafadda ee hortebinta leh sida qodobka 13-aad, 14-aad, 16-aad, 18-aad, 26-aad iyo 35-aad oo tilmaamaya sidii bahda Warbaahinta ee hadda jirtaa isu sharciyeyn lahayd.

Howlaha sharcigu na faray ee Wasaaraddu hadda gacanta ku hayso waxaa ka mid ah dhismaha Guddiga saxaafadda Soomaaliyeed, diiwaangelinta iyo sharcisiinta dhamaan hay’adaha Warbaahinta iyo saxafiyiinta.

Related posts

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026

Sida uu dhigayo sharciga saxaafadda Soomaaliya wixii ka dambeeya 09 January 2016 oo ah markii uu sharcigu soo baxay, Warbaahin ama Wariye kata oo ka howlgala Jamhuuriyadda Soomaali waxaa ku waajibaya in uu iska diiwaangeliyo Wasaaradda Warfaafinta muddo 45 cisho gudahood ah.

Wasaaraddu waxay ku wargelineysaa bahda Warbaahinta ee ka howlgasha Soomaaliya in laga soo bilaabo dhaqankii sharciga dhaqdhaqaaq cusub oo sharci ku dhisan ay sameyn karto oo kaliya Warbaahin, Urur ama wariye is diiwaangeliyay oo leh awood sharci oo uu wax ku dhisto, cid ku doorto ama lagu doorto. Hadiise ciddii isku daydo in si fowdo ah u dhaqantao, iyadoo aan ka diiwaangashneyn Wasaaradda Warfaafinta waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

ARINTA URURKA NOSUJ: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay Ururka NOSUJ u aqoonsantahay urur saxaafadeed oo ka madax banaan Wasaaradda Warfaafinta iyo ha’adaha fulinta ee dalka, lehna dastuur iyo nidaam qoraya in saddexdii sanno-ba mar xubnaha ururka sio democtatic ah oo daah furan ah u doortaan hogaankooda. Nasiib darro xunbaha ururkaas oo qiyaastooda lagu sheegay in ka badan 500 oo wariye waxay ku wareereen oo ku waayeen xuquuqo badan oo ay heli lahaayeen muran iyo is qabqabsi u dhexeeya labada hogaan oo is barbaryaacaya, waxayna xaq dastuuri ah u leeyihiin inay helaan hogaan ay raali ka yihiin o u taagan horumarintooda ee aan daneyste ahayn.

Wasaaradda Warfaafintu waxay caddeyneysaa in labada xubnood ee ku murmaya hogaanka NOSUJ mid waliba uu ka dhamaatay saddexdii sano ee la doortay oo aan midkoodna heysan sharciyadii mudeysnayd ee ururka. Waxaanu amaaneynaa daacadnimada Maxamed Ibraahim Pakistaan oo qirsan in xilligiisa uu dhamaaday maalin iyo habeenna codsanaya in shirweyne loo qabto sida uu dhaqsiyaha badan si ururka u doorto hogaanka cusub.

Haddaba si looga badbaadiyo in uu burburo ururkaas Qaran, Waxaanu xubnaha ka codsaneynaa inay magacowdaan guddi masuul ah oo aan labada murme midna u janjaadhin oo qabanqaabinaya shirweyne Qaran oo xunbaha ururuka ku doortaan hogaankooda muddo labo bilood gudahood ah, sidoo kale dowladaha, ururrada iyo hay’adaha taageera horumarka Warbaahinta Soomaaliyeed ee wadaniga ah iyo ajnebiga ah waxaan codsanaynaa inay naga xigsadaan oo ku taageeraan xubnaha ururka sidii ay u qaban lahaayeen shirweynahaas. Wixii intaas ka horeeyana Wasaaraddu cidna uma aqoonsana in uu yahay hogaanka NOSUJ.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka faaqidaada

Next Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo...

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
0

Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan...

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In