Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan dhiirragelin iyo hambalyo,isuga jira u samaysay Ardayda Shaqaalaha ka ah Wasaaradda ee ka qalin jabiyeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ay wehliyaan Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madaxa qeybta Saxaafadda Nageeye Cali Khaliif iyo Madaxa kulliyadda Cilmiga Bulshada Burhaan Xasan ayaa kulan dhiiragalin ah la qaatay Ardayda dhameysatay Saxaafadda.
Ardaydaan oo ah kuwa dhawaan u soo idlaaday Imtixaanka kama dambeesta ah ee Jamacadda Ummadda Soomaaliya.