Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa maanta oo Sabti ah u furtay 25 suxufi oo ka kala socda Warbaahinta dawladda, dowlad gobaleedyada iyo Warbaahinta gaarka magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tabarada ee Wasaaradda Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tababarkan lagu baranayo tayeynta iyo xirfadda saxafiga, kaasi oo socon doono muddo laba cisha ah.
Agaasimaha Maamulka Wasaaradda, Naasir Xuseen ayaa xusay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay inay laba laabto dadaalkeeda ku aadan tababarada la siinayoi suxufiyiinta, si sare loogu qaado aqoontooda dhanka saxaafadda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo furay tababarka ayaa daboolka ka qaaday in Wasaaraddu ay joogteyn doonto tababarada la siinayo Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta dalka.
“Waxa ay Wasaaraddu qabaneysaa sannadkan ilaa 6 tababar oo lagu horumarinayo mihnadooda shaqo, waxaan idin rajeynayaa in aad ka faa’iideysan doontaan khubarada tababarka bixineysa”, ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxman Yuusuf Sheekh..