Imtixaanka oo galay sanadkii 8-aad oo xariir ayaa lagu kala galay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, iyada oo Wasaaraddu ku guuleystay in sanad dugsiyeedkaan 2021-2022 ay si nabad ah ugu soo gaba-gaboobeyso.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “ waxaa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Ixtiraanku si nabad ah inoogu soo gabagaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahadcelineynaa”.
Goobaha lagu galayey Imtixaanka ayaa waxa amniga xaqiijinayay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ,Sarakiisha ciidamada ay sheegen in inta Imtixaanku u socday aysan wax amniga lidi ku ah aysan dhicin.
Ardayda u fadhiistay sanadkaan Imtixaanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare sheegtay in ay gaarayeen 35,000 (Sodon iyo shan kun) oo Arday in ay gaarayeen, waxaana Wasaaraddu ay u rajeysay guul iyo natiija fiican oo ay ku baasaan.