Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan, ayaa maanta furay barnaamijka Qaran ee qiimeynta wax-aqriska iyo xisaabta ee fasalka 3aad, taasi oo lagu qiimeynayo heerka wax-aqriska iyo xisaabta ee ardayda dhigata Fasalka 3aad ee dugsiyada hoose. (EGRA/EGMA Assessments).
Qiimeyntaan oo qaadan doona muddo 10 cisho ayaa ujeedadiisu tahay in la qiimeeyo heerka awooda, wax-aqriska iyo Xisaabta ee guud ahaan Ardayda dhigata Fasalka 3aad ee dugsiyada hoose ee dalka.
Wasaaradda Waxbarashadda J.F.S ayaa warbixin rasmiya kasoo saari doonto heerka awooda Wax-aqriska iyo xisaabta ee guud ahaan ardayda dhigata fasalka 3aad ee Dugsiga hoose.