Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo dadaal ugu jirta horumarinta Waxbarashada dalka+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo dadaal ugu jirta horumarinta Waxbarashada dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya  Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka socda  (creative Associate  International) oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta waxbarashada iyo hal abuurka.

 

Kulanka ayaa looga hadlay siddii xubnahan ka socda creative Associate  International, ay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga caawin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Xubnaha ka socda creative Associate  International, ayaa wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre u sheegay in howlo muhiim ah oo dhanka waxbarashada ay ka qabteen dalka.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in xubnahan ay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada islamarkana creative Associate  International, ay door muhiim ah uga qaadan laheyd Waxbarashada dalka.

“Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay xubno ka socda creative Associate  International oo kala ah Eileen st, George iyo Maryam jinani, waxaan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid tahay sidii wasaaradda waxbarashada ay gacan uga siin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka, waana isku afgaranay,”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka waxay dadaal dheer ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay xubnahan maanta soo booqday.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kulamo la qaadanayay hay’addaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada isagoo kala hadlayay siddii door muhiim ah uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Previous Post

Suxufiyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo maanta Tabababr loo furay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo Dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo Dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

Wasiirka Maaliyadda oo Dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In