Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo bilowday hirgelinta mashruuc looga maarmayo isticmaalka dhuxusha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo bilowday hirgelinta mashruuc looga maarmayo isticmaalka dhuxusha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruucaan ayaa loogu talo galay in lagu dhiira geliyo haweenka ka ganacsada Dhuxusha si loo yareeyo ka ganacsiga dhuxusha oo keeni karta nabaad guur saameyn ku yelata deegaanka, waxaana badalkii dhuxusha wasaaradda Xanaanad Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo wada arintan  ay guddoonsiisay haweenkan Gaas, iyadoo mashruucan lagu bilaabay haweenka ka ganacsada dhuxusha ee degmada Hodan.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxaa ka qeyb galay madaxda wasaaradda, waiilo ka socday UNDP iyo Midowga Yurub, masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun oo degmadiisa lagu bilaabay mashruucan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa C/kariin Khaliif Cabdi oo ugu horeyn halkaasi kahadlay ayaa sheegay in mashruucaan lagu bilaabay haweenka degmada Hodan.

“Mashruucaan oo ah mid waxtar leh waxaan ku bilownay haweenka ka gacasada Dhuxusha ee kunool degmada Hodan, waxaana rejeyneynaa iney ka faaiideystaan”ayuu yiri.

Madax ka socotay UNDP iyo Midowga Yurub oo iyagana halkaasi kahadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay kala shaqeynayaan sidii looga maarmi lahaa ka ganacsiga dhuxusha.

Raxma Maxamed Jimcaale oo kamid ah haweenka ka faaiideysanaya Barnaamijkan ayaa tilmaamtay in talaabadan ay ku dhiira gelineyso iney ka maarmaan ka ganacsiga Dhuxusha.

“Anaga hadiiba aan helnay dhiira gelintaan wan ku faraxsanahaya waana joojineynaa ka ganacsiga dhuxusha”ayey tiri Raxma Maxamed Jimcaale.

Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa ku bogaadiyey haweenka in ganacsiga dhuxusha oo halis ku ah deegaanka ay tahay waqtigii ay joojin lahaayeen.

“Waad ogtihiin deegaanka ayey halis ku tahay in laga ganacsado Dhuxusha, maadaama hadda Gaas la idin guddoonsiiyey waa inaad la jaanqaadaan dunida sida hadda ay tahay oo aad ka gudubtaan ganacsiga dhuxusha”ayuu yiri.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DHirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo agabkii ay ku ganacsan lahaayeen guddoonsiiyey haweenka degmada Hodan ayaa sheegay in si walba oo ay ku joojin karaan jarista iyo ka ganacsiga dhirta ay sameynayaan.

“Wasaaraddu wax waliba oo arintaan ay ku joojin karto wey sameeneysaa, cid waliba oo nagu taageertay mashruucaana aad ayaan ugu mahad celineynaa”ayuu yiri Wasiirka.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta oo kulan laqaatay Uqaabilsanaha Diinta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Shir looga hadlayay hanaanka dib u heshiisiinta oo la soo gebo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Shir looga hadlayay hanaanka dib u heshiisiinta oo la soo gebo gabeeyay “SAWIRRO”

Shir looga hadlayay hanaanka dib u heshiisiinta oo la soo gebo gabeeyay "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In