Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Balcad “Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay Madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalayey”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Balcad “Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay Madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalayey”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay isku day ay dowladda Itoobiya ku dooneysay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ay kaga baajiso shirka Madaxweynayaasha dalalka Afrika oo uu doonaayey inuu ka jeediyo khudbad ku aadan xad-gudubka dowladda Itoobiya ay ku sameysay madax bannanida iyo midnimda Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib is afgarad beenaad ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

“Madaxweynaha saakay markii uu damcay inuu aado shirka ayaa waxaa su’aal ka timid dhinaca amniga oo ku aadan cidda Madaxweynaha baabuurka la raaceysa, Itoobiyaanku waxay ku doodeen inay iyagu la raacayaan, iyaga oo hubeysan, Annaguna aan ku doodnay in ciidamadeenna aan annagu wadano inay la racayaan taas ayaana keentay inuu socodka Madaxweynaha uu dib u dhac ku yimaado” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar (Cali Balcad).

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qayb galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika gaar ahaan shirka Madaxweyneyaasha ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka, waxaana ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweyne Xasan shekh ayaa Madaxweynayaasha dalalka Afrika u sheegay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya,  Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Wasiirk Balcad “Madaxweynaha ayaa xilligii qadada kadib kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxdii shirka joogtay, asaga oo kulan la yeeshay Moussa Faki oo ah shir guddoonka Midowga Afrika oo uu kaga dacwooday dhacdadii saakay. Intaas kadibna Madaxweynuhu waxa uu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa, iyada oo awalba qorshuhu ahaa in uu hal maalin uu soo joogo Addis Ababa ”.

Previous Post

Somalia condemns the provocative attempt by Ethiopian government

Next Post

Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha

Next Post
Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha

Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In