Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Balcad “Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay Madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalayey”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Balcad “Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay Madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalayey”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay isku day ay dowladda Itoobiya ku dooneysay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ay kaga baajiso shirka Madaxweynayaasha dalalka Afrika oo uu doonaayey inuu ka jeediyo khudbad ku aadan xad-gudubka dowladda Itoobiya ay ku sameysay madax bannanida iyo midnimda Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib is afgarad beenaad ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

“Madaxweynaha saakay markii uu damcay inuu aado shirka ayaa waxaa su’aal ka timid dhinaca amniga oo ku aadan cidda Madaxweynaha baabuurka la raaceysa, Itoobiyaanku waxay ku doodeen inay iyagu la raacayaan, iyaga oo hubeysan, Annaguna aan ku doodnay in ciidamadeenna aan annagu wadano inay la racayaan taas ayaana keentay inuu socodka Madaxweynaha uu dib u dhac ku yimaado” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar (Cali Balcad).

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qayb galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika gaar ahaan shirka Madaxweyneyaasha ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka, waxaana ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweyne Xasan shekh ayaa Madaxweynayaasha dalalka Afrika u sheegay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya,  Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Wasiirk Balcad “Madaxweynaha ayaa xilligii qadada kadib kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxdii shirka joogtay, asaga oo kulan la yeeshay Moussa Faki oo ah shir guddoonka Midowga Afrika oo uu kaga dacwooday dhacdadii saakay. Intaas kadibna Madaxweynuhu waxa uu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa, iyada oo awalba qorshuhu ahaa in uu hal maalin uu soo joogo Addis Ababa ”.

 

Previous Post

Somalia condemns the provocative attempt by Ethiopian government

Next Post

Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha

Next Post
Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha

Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In