Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Bashiir iyo Inger Andersen oo kullan mira-dhal ah yeeshay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Bashiir  iyo  Inger Andersen oo kullan mira-dhal ah yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi oo hoggaaminayo Wasiirka Deegaanka iyo isbadalka Cimillada JFS Soomaaliya Saraaye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, oo uu Wehliyo Safiirka Soomaaliya Kenya Danjire Jabriil Ibraahin Cabdulle, ayaa kullan mira-dhal ah kula qaatay Xarunta Qaramada Miboobay ee dalka Kenya Marwo Inger Andersen – Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta baraamijyada Deegaanka Adduunka ahna Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u dhinaca Deegganka.

Kullanka ayaa lagu gorfeeyay wadashaqeynta labada Hay’ad ee Wasaaradda iyo UNEP, in si wadajir ah looga shaqeeyo Arrimaha Isbadalka Cimilada iyo saameynta uu Soomaaliya ku yeeshay, kobcinta Aqoonta Howl-wadeennada Wasaaradda, Maareynta qashinka, si loo xoojiyo dowladaha hoose Soomaaliya iyo is-waafijinta Tiirka Isbadalka Cimlada Qorshaha Horumarinta Qaranka (NTP) iyo Istaraajiyada Horumarinta UNEP ee Soomaaliya, taasi oo mudnaansiinayso sida ay uga go’an tahay Wasiirka iyo dowladda Soomaaliya la-tacaalidda Arrimaha Isbadalka Cimilada Deegganka iyo Maareyntooda.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Wasiirka Wasaaradda Deegganka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyay in la xoojiyo Xafiska Hay’adda Deegaanka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay ku leeyihiin in la xoojiyo isla markaana laga fuliyo howlaha horutabinta u leh dalkeena.

Ugu dambayn waxaa lagu ballamay in lasii xoojiyo wadashaqeynta iyo kullmada lagu horumariyo Arrimaha deegganka iyo Isbadalka Cimilada, si wax looga qabto arrimahaasi, waxaana lagu boggaadiyay daddaalada socda in tallaaboyinka wadajirka ah qeyb wayn laga qaato barnaamijyada la xariiro qodobada wadahadalka saldhiga u ahaa.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirweynahan 7aad ee Garsoorka dalka

Next Post

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Finland ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Finland ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Finland ee Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In